Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Wadahadalka Somaliland Iyo Somaliya Iyo Natiijo Aan Buurnayn Oo Lagu Soo Afjarayo Shirka oo Maanta Lasoo Afmeerayo

t318-01-2014 (BNN) Waxaa maanta warbaahinta  Boramanews International usuurto gashay in ay xidhiidh la samayso mid ka mida waftiga Somaliland ee wadahadalada kula jira dawlada Somaliya.Sargaalkani ayaa sheegay in maanta lasoo afmeerayo wadahadalada u socda labada dhinac,Waxa uu sheegay in maanta galinka dambe lasoo saari doono warmurtiyeed heshiis ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen,Waxaana uu meesha ka saaray in natiijada warmurtiyeedku noqon doonin mid labada dhinac ay helaan waxa ay ka rajaynayeen shirkaasi.

Sida sargaalkaasi uu xaqiijiyay ayaa labada dhinac gees iskaga riixeen qodobka ugu daran ee Gooni iskutaaga ama midnimada,laakiin waftiga Somaliland ayaa ku adkaysanaya in aan waqtiga lagu lumin wax aan micno lahayn balse loo gudo galo dhabta.Labada dhinac ayaa ka wadahadlaya sidii qaab cusub loogu samayn lahaa wadahadaladooda mustaqbalka isla markaana uu qaabkani noqon doono mid isku soo dhaweeya labada dhinac.Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in qadiyada Somaliland marnaba ka laaban doonin halka Somaliyana midnimada ku adkaysanayso.

Lama oga in maanta galinka dambe ku heshiin doonaan warmurtiyeedka shirka xili aan qodobada ugu muhiimsan lagagabanayo in la falanqeeyo.balse natiijada waxaa si rasmiya loo filayaa maanta galinka dambe ama subaxda hore ee hore ee berri.

 

Isha ku hay Boramanews wixii kasoo kordha shirkaasi.

Boramanews/Facebook

Boramanews@hotmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 28 May 2014 19:14
Tuesday, 17 June 2014 03:21
Wednesday, 12 March 2014 20:50
Wednesday, 29 January 2014 20:00
Thursday, 01 August 2013 18:56
Monday, 21 October 2013 16:02
Tuesday, 22 October 2013 11:49
Friday, 13 September 2013 14:33
Monday, 27 January 2014 12:18
Monday, 30 June 2014 07:27