DADKA GABILAY,AWDAL,&SELEL DEGANI MA U BAAHANYIHIIN INAY MAANTA HORUMAR KA SAMEEYAAN DHINACA DHISMAHA MAGAALOOYINKA ?

.maqaal
A.Waamaxay horumar?

Horumar waxa weeyi sida ay ila tahay marka aan ka hadlo waa Bulsho wanaag ay samayso Nooca uu Doonaaba ha ahaadee ama Shaqsi Wanaag u sameeyo siduu Doono ha u Ekaadee Wanaag waxa kasoo Hor jeeda waxa weyi Xumaan iyadana waa Dib u dhac Horumarna waxa kasoo hor jeeda dib u Dhac markaa Guud ahaan Jawaabtu waa Wanaag Wadar ama Waax ha Samaysee la sameeyo . Horumarku ma aha inay Muslim oo kaliya Horu maraan ma aha Kiristan oo kaliya ma aha Hundu oo kaliya Buudisam oo kaliya maaha Yahuud oo kaliya Diinta aad doonto

Aaminsanaw Qaarada aad doonto Aduunka kaga Noolaw Midabka aad doonto lahaw Horu marka waa wax loo Abuuray Banii,aadamka kuwii Hadaysana ay tahay inay ku daraan Allah (SWT) ka Cabsiga Rabbi Aakhiradooda oo ilaa wixii ay Allaah la Hortagi lahaayeen Maalinta Qiyaame hadda sii Shaqaystaan kuwa kalena illaahay ayaa inoo sheegay inuu waxwalba oo ay rabaan Ifka ugu soo Saaray Horu marku waxa uu la Bilaamay Banii,Aadamka mana Dhamaanayo waligii ilaa iyo inta Qiyaamuhu ka Dhacayo waxa uu leeyahay Meel uu ka Bilaabmo laakiin ma leh meel uu ku Dhamaado waana qayb Nolosha Dadka Meel Muhiima kaga jirta hadaba inaga oo Jecel Gunta ama Gundhiga Maqaalkan inaan kusii Siniqno waxan ka hadlaynaa Horumarka waxa soo Galaya sida
(a) Magaalooyin la Ballaadhiyo.
(b) Dariiqyo la Dhiso.
(c)Bulshada oo Shaqo ku Filan hesha
iyo dabcan ta ugu muhiimsan oo ah.
(d)Inay Umadu ka korto Maskaxiyan iyo Jismiyan labadaba waayo waxa la Dhiso ama la Horumariyo waxa ugu haboon Banii,Aadamka oo Maskaxdisa ama Garashadisa kor loo Qaado .
& ( A).Horumar Magaalooyin ama Horumar Dhiseed .waa Qodobka Qodobka uu Daaranyahay Qoraalkeenu maanta waxa aan i Mudo ah Dhisaynay ama aan Camiraynay inaga oo ah Umada Samaroon Magaalada Caasimada labaad ee S/land ee Borama waxan ku Bixinay Maal badan ilaa Mudo Nus Qarni ku dhaw waxan Dhisaynay Magaalada Caasimada Gobolka Awda ah walaw Wakhtigu kala Wanaagsanaa oo 1993-2000 ay si fican u Dhismaysay hadana ay kasi Wanaagsanaatay 2000-2014 oo aan hada ku jirno waa wax horta aad loogu Farxo inay maanta halkaa gadho oo ay Gayiga ay Dhacdo Juqurafi ahaan maanta ay wax la Qaybsato inkasta oo uuna Qoraalkani Daarnayn Horumarka Borama hadana meel marka la Tilmaamayo waa inaad ugu yaraan hal Weedhna ha noqotee wax ka Sheegtaa ama Posative ha noqdaano ama Negative Su,aasha is waydiinta mudani waxa weeyi ee in laga Sanqadhiyo haboon
*** Maanta ma la Gaadhay Amintii ay Umada kasoo jeeda Gobolada Gabilay,Awdal &Selel Dhisan lahaayen Magaalo u Dhiganta Borama ama ku dhaw ama haddii Macquul ay noqoto Kaba waynaan karta inkasta oo ay Wakhti Qaadanayso ?
 
  Haa waa la Gaadhay  waayo Umad waliba oo meel Degani inay Noloshooda Horumariyaan waa  waxa uu Allah inoo Abuuray sidaa la ajligeed Horumarka sidaan kor kusoo Xusnay waxa soo Hoos galaya wax aad u Balaadhan taas  waxa Qayb ka ah inay  Dadku Dhulkooda Dhistaan si ay Daacadnimo iyo Horumar  ku Dheehanyahayna u Dhistaan maanta haddii aan Magaalo kale  sida Borama aan u Camirnay u Camirno waxay u Wanaagsntahay inaga Ubadkeena kuwa Dhalandoona  dad ayaa is Waydiinaya maxaa Xiligan kusoo Beegay Qoraalkan ama Maqaalkan Banii Aadamka Xaaraan kama aha inuu wax sii Odoroso Waayo Nolosha ayay ka mid tahay in wax aan Saadaalin karno ama aan isku Dayno inaan Mustaqbalka Dhaw qaban karno  sidaasoo ay tahay Dabcan aan isku Baraarujino hadaba haddii ay Jawaabtu tahay haa dadka Samaroon maanta waa ay Dhisan karaan Magaalo labaad  iyo waliba mid sedexaad waxa  Haboon inaan is Waydiino
 
*** Xagee ayaa laga Dhisi karaa ama  Madashee ayaa ugu Macquulsan?
;
               Waxay ila tahay intii Garashadayda ah saddex Meelood inaan ka Dhisan karno oo kala ah
 A.Saylac.
 B.Lughaya.
 C.Garbodadar
Waxay ila tahay Sadexdaa Magaalo inaan ka bilawno  si uu Horumarkeenu u Balaadho Dadkeenuna noqdaan Dad la Tartami kara Dadkan ay isu mandaqada yihiin waxyaabaha aan ku Doortay saddexdaa Magaalo waxa ugu  Mudan waxa weeyi
 
*Saylac: Waa Magaalo Xeebeed waliba Qadiimiya sidaa oo ay tahay Meel ku taala Istaraatijik ah oo waliba Caalamka  u noqon karta Xudun ay isaga kala Gooshaan waa haddii ay hesho dad usoo Jeedo oo si Buuxda u Horumariya .
 
*Lughaya:Iyadna sidoo kale waa Magaalo Xeebeed laakin iyadu waxa ay Saylac uga Dhawdahay Borama waana Magaalo haddii Dekad loo sameeyo si Buuxda Mandiqada oo dhan Horumar Buuxa u Gaadhsiin karta  waxa kaliya inala Haboon iyadna inaan ka Faa,iidayno si ay Dadkeenu uga baxaan Gaajada Abaaraha iyo Duruufaha Dhaqaalo xumee ku habsaday .
*Garbodadar: Waa Magaalo ku taala meel marka aad si Buuxda ugu Fiirsato aad is Odhan karto Samaroon waxay u noqon kartaa Xudun isku xidhi karta waana meel inaga Dhaxdeena Istaraaji inoo noqon karta waa haddii aan Garano Faa,iidada ay Inagala Maqantahay waxanan Rajaynayaa inaan Garan Doono waxay Faa,ido inoo leedahay inaan Garbadadar magaalaynaa .
 
Intaa Dabadeed waxa Dadka aan ka Dhashay ee Samaroon aan ku Boorinaynaa inaan Dhulkeena si Buuxda wax uga Qabsano Waayo Dhulkan inaga ayaa u Dhalanay inaga ayaa ku Dhiman doona Cidna uma Maqno Ceelna uma qodno waxa aan si Gaara ula hadlayaa Dadka Allah (SWT) wax siiyay ee Deganada Samaroon ku Dhaqan iyo kuwa Qurbo joogtaba ah ee Dhulka Iibsanaya waxan kula Talinayaa Nin walba inuu Magaalooyinkaa ka Iibsado si uu hadhaw wax ay ugu Tarto Dadka Caalamka ku Nool waxa loo kala Badinayaa Khayraadka Badda ku jira haddii aan Samaroon nahay waan ka Dhago laanahay inaan Khayraadka Badaheena Buuxiyay aan kala soo Baxno waa wax inaga Dhiman bisayl wax Qabsina numa Gaadhin wali wax Qabadkeenu waxa uu Dhaafi laayahay oo waliba intan Danbe ah Dariiqyada waan Qirayaa oo Isha kama Lalinayo Dariiqu waa wax qabad oo Meelahan aan Xusnayba Flyt lagu tagi maayee waxa ina Gaynayaa waa Dariiq laakiin Horumarka aan wadnaa waxan Odhan lahaa si uuna Gaabis u noqon aan is Agwadno taas ayaa Guul ku Gaadhi karnaa .
;
Guntii Gabagabadii.
Waxa aan &nbsp ;kusoo Gunaanadayaa inaan si Buuxda u Fahano Dadkaygoow in ay Xeebaha iyo Magaalooyinka ka Agdhaw Muhiim inoo yihiin Inaguna aan ku Noolaan karno Ubadkeenuna ay ku Noolaan doonaan waxanan Leehay kaliya waxa inagu Haboon inaan isu Baraarujino Dhulka kan inaan Inagu leenahay Inaga oo sidaa u Og hadana Hirdan waa iska jiraa Aduunyada ayaana iska sidaasa laakiin waxa Inaga Inala da,ah Horumarka Dhulkeena intii aan Awoodno waxanan idiin leenahay inaan Qurbojoog iyo Qolqoljoog isku Duubnaano ayaa Mudnaanta Koowaad ta Labaad iyo ta Sadexaad ba ah /. Gacmo Wada Jir ayay ku Gooyaan./ ama/. Ilko Wada Jir ayay wax ku Gooyaan./ Dhamaanteen waxa inoo Ballana Horumarka Dhulkeena Inaga oo aan kala Jeclaysanayn.
Guul Gobanimo.
Mohamed Mahamoud Shirdon.
Switzerland .
Nooli Kulantee.
Wabillaahi-Tawfiq.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 04 January 2014 11:20
Saturday, 15 February 2014 02:12
Tuesday, 24 December 2013 01:58
Tuesday, 01 April 2014 14:18
Sunday, 22 September 2013 14:02
Friday, 17 January 2014 02:19
Monday, 14 April 2014 21:14
Saturday, 31 August 2013 16:51
Thursday, 19 December 2013 19:48
Saturday, 02 November 2013 17:15