BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Maareeyaha TVga Somaliland Oo Diidayn Wareegto Madaxweyne Oo Wasiir Cakuse Madaarka Shalay Ku Qaybiyay iyo Is Qabqabsi iyo Muran Markale Qarxay Wasiirka iyo Mareeyaha

tvga_qaranka_34519-01-2014 Hargeysa (Bnn) Waxa mar kale dibadda u soo Baxay murankii iyo is qabqabsigii kooxaysnaa ee ay wasaaradda Warfaafintu caanka ku ahayd oo in badan la isku dayey in xal loo helo.

Muranka oo muddo gaaban si hoose oo dambabasay, ayaa soo laba kacleeyey ka dib markii uu wasiir cukuse Madaarka maalintii shalay warbaahinta ugu qaybiyey warqad ahayd wareegto Telefishanka lagu hoos geynayo Wasiirka, balse ku taariikhaysnayd xilli hore.

Maareeyaha Telefishanka oo qaar ka mid ah warbaahintu wax ka weydiisay Arrintan waxa uu kala socdo ayaa ku tilmaamay mid been abuur ah oo uu wasiirku meelahaas  ka samaystay,  waxana uu sheegay inaanay jirin waxa wareegto ah oo  lagu hoos geeyey  wasiirka, isla-markaana aan ilaa iyo hadda la soo gaadhsiin wax wareegto ah oo hawshiisa la xidhiidha.

Warbaahinta ayaa maalintii shalay indhaheeda ku arkaysay xilligii uu madaxweyne siilaanyo ka dhoofayey garoonka Hargeysa, iyadoo uu wasiir cukuse Waraaq  tustusayo qaar ka mid ah warbaahinta isagoo sheegaya inay tahay wareegto teleshishanka lagu hoos keenay shaqadiisa, waxana waraaqdaas markii dambe loo soo diray warbaahin kooban, iyadoo taasina shaki gelisay sharcinimada waraaqdaas.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaan isagu wali si rasmi ah uga hadlin Waraaqdaas uu qaybinayey, waxase dhinaciisa deedafeeyey Maareeyaha inay Warqaddaasi jirto.

Murankan u dhexeeya Maareeyaha iyo wasiirka oo salka ku haya arrimo dhaqaale, ayaan la ogayn meel uu ku dambayn doono, waxase jira laba garab oo madaxtooyada fadhiya oo la kala safan labadan masuul, maadaama labadan qolo mid waliba dano gaar ah  leedahay in shaqada Telefishanka qaranka loo daba fadhiisto

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 03 August 2013 17:19
Wednesday, 08 January 2014 12:51
Tuesday, 09 September 2014 17:02
Wednesday, 25 December 2013 13:32
Tuesday, 17 December 2013 13:08
Sunday, 01 June 2014 06:07
Saturday, 23 August 2014 17:27
Monday, 30 December 2013 15:01
Saturday, 26 April 2014 11:24
Wednesday, 04 December 2013 15:55