BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Mayerka Borama Oo Isku Dayay In Uu Damiyo Khilaaf Kala Dhexeeya Xildhibaanada Golaha Deegaanka Oo Guuldaraystay Iyo Xildhibaano Sheegay In Uu....

Golaha_deegaanka_Borama19-01-2014 (BNN) War imika naga soo gaadhaya xafiiska dawlada Hoose ee Borama ayaa sheegaya in khilaafkii Mayerka iyo xildhibaanada Golaha deegaanku sii xoogaystay.Mayerka Borama Mudane Saleebaan Xasan Xadi(Afarjeeble)
ayaa la sheegayaa in uu isku dayay in uu qanciyo xildhibaano 16 gaadhaya oo sheegay in uu lumiyay taageerada xildhibaanada lasoo doortay isla markaana uu faraha kula jiro mayerku musuqmaasuq si indho la,aan ah uu u dhex dabaashay.
Mayerka oo xildhibaanada ka filayay in ay isku tanaasulaan ayaa kala kulmay hadalo ad adag oo wajiga looga dhuftay,waxaad lumisay kalsoonidayadii waxaan sugaynaa kaliya in wasiirka guduhu kusoo laabto hargaysa waxaan hordhigi doonaa codsi in cod laguu qaado,masii wadi karno foolxumada taala dawlada hoose ayaa carabka ku balaadhiyeen.

Mayerka Saleebaan ayaa ku adkaysanaya in uusan wax qalad ah samaynin isla markaana uu yahay mayer daacad ah oo si xalaala bulshadiisa ugu shaqeeya.
Mayerka Borama Saleebaan Afarjeeble ayaa maalmahan dambe magaaladu ku qayliday kadib markii salaadii jimcaha uu imaamka masaajid Jamaca Harowo Sheekh Xasan Daheeye uu khudbadiisii ku sheegay maamul xumda ka jirta dawlada hoose waxa uuna sheekh Xasan si ba,an u weeraray Mayer Saleebaan Xasan Xadi oo ah wiil dhalinyaro ah oo ku eedeeyay maamul xumo iyo musuqmaasuq iyo  in uu kaligii taliye noqday isla markaana yar iyo wayn uu dafiray in uu wax ka dhagaysto.
Mooshin ka dhan ah Mayerka ayaa lasheegayaa in uu diyaar yahay Badhasaabka Gobolka ayaa loo gudbinayaa ayay Xildhibaanada qaar Boramanews u sheegeen,kadibna waxaan hubnaa in Mayer Saleebaan Hal Cod heli doonin,Arintani ayay Xildhibaanadu ku sheegeen mid ka madaxbanaan isbeelaysi balse ay lexejeclo ay dadkooga iyo magaaladooda u qabaan ay u tanaasuli doonaan qofkasta oo ay u gartaan in uu hogaamin karo dawlada hoose ee Borama.
Saacid Cali Adan
Boramanews/Borama

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 07 November 2013 03:45
Wednesday, 29 January 2014 01:52
Saturday, 28 December 2013 14:47
Sunday, 06 April 2014 04:46
Friday, 02 August 2013 10:19
Sunday, 30 March 2014 17:05
Tuesday, 11 March 2014 01:44
Sunday, 20 October 2013 18:38
Wednesday, 05 February 2014 03:59
Wednesday, 26 March 2014 10:12