BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

MUQDISHO:Qarax Lala Eegtay Kolonyo Baabuur Ah Oo Ay Saarnaayeen Muwaadiniin Turki Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Iyo Nin......


muqdishobilis19-01-2014 (BNN) War ay uu xaqiijiyay qof kamid ah dadka deegaanka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax khasaaaro geystay ayaa lala eegtay gaadhi ay saarnaayeen muwaadiniin udhashay dalka Turkiga.
Qaraxan oo ahaa noociisa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa ay maanta barqadii ka dhacday nawaaxiga Isgoyska Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye, halkaasi oo ay marayeen gaadiid ay la socdeen muwaadiniin Turkish ah.
Qaraxa ayaa wuxuu haleelay gaadhiga, inkastoo askartii istaafka ahaa ay ka boodeen oo uusan khasaaro kasoo gaadhin, laakiin waxaa khasaaro uu kasoo gaaray wadaha gaariga oo la sheegay inuu ka jajabay lugaha.
Qofkaan goobjooga ah ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka ay eryadeen shaqsi goobta taagnaa, waxaana la sheegay in ruuxaasi uu ahaa qofkii miinada rimuutka ku qarxiyay.
Ciidanka ayaa shaqsigaasi eryaday waxaana ay kasoo dhexqabteen Dugsi qur’aan uu orod ku galay isaga oo gacanta ku haya rimuutka uu ku qarxiyay miinada gaadhiga uu la eegtay.
Ciidamada ayaa la sheegay inay ka xeystaan ruuxaasi oo aan lagaranayn halka ay la tageen, waloow khasaaraha qaraxa ka dhashay uu ahaa kaliya mid soo gaadhay wadihii gaadhiga.Waxaana loo qaaday cisbataalka ku yaala Magaalada Muqdisho.Turkida ayaa la sheegayaa in ay mashaariic ka bilaabeen duleedka Muqdisho,waxaana goobahaasi ku badan amaan darada waxaana qaraxyo ka gaysta kooxda lagu daalay ee alshabaab.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 08 June 2014 05:55
Sunday, 03 August 2014 08:43
Friday, 29 August 2014 07:40
Thursday, 28 November 2013 06:30
Friday, 29 November 2013 07:51
Friday, 18 July 2014 17:39
Sunday, 01 December 2013 20:41
Saturday, 16 August 2014 07:00
Saturday, 06 September 2014 22:02
Thursday, 14 November 2013 17:04