BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Markab Xamuul Ah Oo Marayay Badda Cas Oo La Qafaashay Oo La Beeniyay In Budhcad Badeed Qabsatay Balse Ciidamada Badda Eratria Uu Gacanta Ugu Jiro

markab19-01-2014 (BNN) Markab ganacsi oo sitay Kontineero shixnado ka buuxaan ayaa lagu afduubay bada cas isagoo maraya,saaka subaxdii hore ayaa la shaaciyay in Markabkani uu u gacan galay Budhcadbadeeda Soomaalida oo ilaa 2sanaba laga nastay.Balse war imika ay shaacisay wakaalada wararka ee Routers ayaa sheegay in Markabkani  Mv Marsooqah ay ciidamada badda ee Eratria gacanta ku dhigeen isla markaana ay u kaxaysteen xaga dalkooga iyagoo ka afduubay meel gudaha ugu jirta Badda Cas ee Somaliya.

Haweenay u hadashay ciidamada Yurub ee ilaaliya biyaha dalka guuldaraystay ee Somaliya ee magacooga loogu yeedho (EU NAVFOR) Lieutenant  Jacqueline Sherriff ayaa sheegtay in Markabku nabad qabo,isla markaana ay ciidamada Eratria baadhitaan ku hayaan,Warkooban oo Eratria kasoo baxayna waxa uu sheegayaa in Markabkaasi ay soo rarteen ciidamada Sirdoonka Ingiriisku wax uu sidana ay si gaar ah isha ugu hayaan.

Warkani ayaa meesha ka saaraya warar ay warbaahintu faafiyeen oo ay ku sheegeen in budhcad badeeda Soomaalidu qafaasheen.

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 18 September 2013 11:59
Tuesday, 28 January 2014 00:26
Tuesday, 17 June 2014 03:26
Tuesday, 22 April 2014 00:42
Saturday, 08 February 2014 23:09
Wednesday, 05 February 2014 17:38
Sunday, 09 March 2014 16:25
Wednesday, 29 January 2014 10:58
Tuesday, 22 July 2014 10:11
Tuesday, 12 November 2013 15:03