BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Wadahadaldii Dawlada Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Heshiisyo Laga Gaadhay ( Dhagayso Warbixin Iyo Waraysiyo)

turkeyheshiissom19.01.2014. BNN. Ergadii Dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku wada hadlay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad.

Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia aan weli laga wada hadlin ayaa waxaa heshiiskan ka muuqda xoogaa horu mar ah marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.
 
Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo. Waxaa kaloo lagu heshiiyay naqshad sharaxeysa habka uu ku socon doono wada xaajoodka, doorka dalka Turkiga iyo cid kasta ee dooneysa inay wadahadalan gacan ka geysato, in agendayaasha sida ay u kala fududyihiin loo soo kala horumariyo, sadex bilood oo kasta mar ay wada hadalka isugu yimaadaan iyo qodobo kale.
Wasiirka Arimaha Amniga ee dowladda Somalia, Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ujeedada dowladda Somalia ay ka leedahay wada hadaladan ay tahay in lagu qabciyo Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Somalia.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.
 
Wareysiyo lala yeeshay Wasiirka Arimaha Aminiga Qaranka ee Dowladda Somalia Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, iyo falanqeyn ku saabsan heshiika halka hoose ka dhageyso.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 14 March 2014 08:05
Monday, 04 November 2013 11:17
Thursday, 26 September 2013 16:07
Friday, 23 August 2013 18:56
Thursday, 24 October 2013 11:45
Tuesday, 03 December 2013 05:52
Friday, 06 December 2013 16:40
Sunday, 09 March 2014 00:45
Friday, 11 October 2013 20:23
Thursday, 16 January 2014 21:08