BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BORAMANEWS:Halkan Ka Akhriso Sagaalka Qodob Ee Heshiiska Somaliland Iyo Somaliya Oo Turjuman Iyo Nuuca Saxeexa Labada Dhinacba

heshiiska

1.    Labada dhinac waxa ay sii wadi doonaan wada-hadalka ku salaysan goaannadii la isku raacay iyo waxyaabihii ku jiray heshiisyadii hore oo dan u ah labada dhinacba

2.    2. Labada dhinac waxa ay wada-xaajoodka u gelayaan iyada oo ka go’an tahay in la helo xallintadii qodobbada la gorfeynayo si loo helo natiijooyin ay labada dhinacba ku qanacsan yihiin.

3.    Labada dhinac waxa ay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiiyada kale.

4.    Labada dhinac waxa ay fududaynayaan, si wadajir ahna u qeexayaan dhinacyada la iska kaashan karo ee ay labada dhinacba u baahan yihiin

5.     Labada dhinac waxa si adag uga go’an in xallinta farqiyada iyada oo si gaar ah loogu marayo hab ku salaysan nabadgelyo iyo wada-hada

6.    Labada dhinac iyo Dawladda Turkigu waxa ay isku raaceen in wargelin kooban la siiyo bulshada caalamka.

7.    Iyada oo la tixraacayo wada-hadalkii labada dhinac ku dhex maray Istanbuul oo Turkiga ah, markii taariikhdu ahayd 7-9/July 2013ka, waxa ay isku raaceen inay muddo shan iyo afartan cisho ah ku dhisaan Guddiga maamulka socdaalka hawada (Air Traffic Control Board)

8.    Labada dhinac waxa ay isku raaceen inay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood (dhinac kastaaba laba ayuu keenayaa). Labada guddi farsamo-na waxa kormeeraya labada wasiir ee u xilsaaran

9.    Waxa aynu wadaagaynnaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomaalida ah u geysteen keli-teliskii milatarigu guud ahaan Soomaalida, gaar ahaanna dadka Somaliland
ISHA KU HAY BORAMANEWS MARWALBA
Boramanews@gmail.com 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 27 October 2013 13:15
Monday, 06 January 2014 01:13
Monday, 09 June 2014 12:34
Thursday, 15 August 2013 06:39
Saturday, 07 December 2013 19:43
Wednesday, 19 February 2014 15:10
Wednesday, 01 January 2014 03:38
Wednesday, 18 June 2014 11:04
Tuesday, 03 December 2013 22:15
Sunday, 13 July 2014 22:11