BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Jilaaga Da’da Yar Ee Somaliga Ah Ee Barkhad Cabdi Oo Lagusoo Daray Jilayaasha Sannadkan 2014 U Tartamaya Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Oscar-ka +VIDEO

ABDI_BARKHAD20-12-2014 Ottawa (Bnn) Jilaaga Somali –ga ah ee Barkhad Cabdi ayaa loo xulay inuu kamid noqdo jilayaasha sanadkan u taagan jaa’isadda Oscar-ka.

Barkhad Cabdi ayaa kaga mid noqday jilayaasha labaad (best Support Actor) ee Oscar-ka, filinkii uu dhawaan la jilay jilaaga caanka ah ee Tom Hanks ee Captain Phillips.

Captain Phillips oo laga matalay markabkii budhcad badeeda Somali-du marinka Gacanka Cadmeed ku afduubtay, ayaa matalayay Cabdiwali Muuse oo ahaa ninkii haystay kooxdii barigaas afduubtay markabkaas.

Barkhad Cabdi oo waraysi siiyay wakaalada NBC ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay, waxaanu ku kaftamay in uu seexanba waayay habeenkii xalay ahayd markii lagu dhawaaqay farxad darteed.

Jaa’isada Oscar-ka ahaa ah jaa’isada ugu qaalisan ee lagu bixiyo filimaanta.

Barkhad Cabdi oo hore Minnesota uga ahaan jiray dirawal wada gadiidka Limousine-da oo horena aan usoo marin fursad jilaadeed, ayaa maanta sidaas ku sugay mustaqbalkiisa Hollywood xataa hadii aanu ku guulaysan.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 21 December 2013 04:22
Wednesday, 23 April 2014 06:03
Monday, 05 August 2013 15:52
Sunday, 01 June 2014 21:24
Sunday, 02 March 2014 10:21
Thursday, 10 July 2014 13:58
Thursday, 01 May 2014 04:53
Thursday, 29 May 2014 19:18
Sunday, 02 February 2014 18:22
Friday, 21 March 2014 10:53