BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Maanta Ka Jawaabi Doona Su’aalo Baarlamaanku Ka Weydiin Doono Barnaamijkiisa Siyaasadeed

raysal_wasaare_cabdiwali_e320-01-2014 Muqdisho (Bnn) Waxa Maanta la Filayaa inuu Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Baarlamaanka Soomalia horgeeyo Barnaamijkiisa Siyaasadeed oo muddo laga Sugayey.

Ra’isal wasaaraha ayey Baarlamaanku ka Sugayaan inuu si Faahfaahsan ugaga Warramo Hannaanka uu doonayo inuu u jiheeyo Siyaasaddiisa iyo qaababka  uu doonayo inuu dalka kaga saaro caqabadaha Nololeed iyo kuwa Siyaasadeed ee haatan ku Gedaaman.

Dood ayay xildhibaannadu ka yeelan doonaan barnaamijka uu soo gudbiyo ra’iisal wasaaraha iyadoo Ra’iisul wasaare C/wali Sheekh Axmed lagu wargaliyay in looga baahan yahay in uu ka soo qeyb galo.

Fadhiga maanta ee golaha baarlamaanka marka loo qeybiyo mudanayaasha warqadaha xukuumadda waxaa xigi doona su’aalo ay baarlamaanku weydiin doonaan ra’iisul wasaaraha oo barnaamijkiisa xukuumadeed ay wax ka weydiinayaan.

Ra’isal wasaaraha ayaa si weyn u qaba inay Xukuumaddiisu Taageero iyo Codba ka Heli doonto Baarlamaanka, maadaama uu in badan iska diiday Dalabkii uu madaxweyne Xasan sheekh ku doonayey inuu soo Celiyo Wasiirro hore u mijo xaabiyey Ra’isal wasaare Saacid.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 21 December 2013 19:27
Wednesday, 02 July 2014 10:35
Thursday, 26 September 2013 17:01
Thursday, 28 November 2013 11:00
Tuesday, 05 November 2013 23:53
Thursday, 08 May 2014 00:12
Tuesday, 06 August 2013 19:09
Thursday, 13 February 2014 17:46
Tuesday, 22 July 2014 01:55
Monday, 10 March 2014 13:30