BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

KOMIISHANKA IYO GUDIDA DIWAAN GALINTA KEEBA KA MASUUL AH ANSHAX-MARINTA ASXAABTA SIYAASADDA?

Maqaal1Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa (5 sano) hal mar Waxaana la baahinayaa 
Qalinkii:- Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed Hargeysa
Waxaa Xisbiyada somaliland qaarkood La soo darsay xiligan khilaafyo ka dhexeeya 
kooxo iyo shaqsiyaad xil xusbiga u haya ama xil qaran ku haya magaca xisbiga, Sida 
Xubno ka mid ah golaha deeganka oo ka mid ah xisbiga Ucid oo Taageeradoodu ku 
biiriyay xisbiga kulmiye, Iyo Khilaafka La isku mari waayay ee la soo darsay xisbul 
xaakimka Kulmiye, Arimahan oo u Baahan In Lagu xaliyo ama Lagu saxo Xeerka U 
yaala oo ah { Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda X.LR 14/ 2000}
Kani Waa Qodobka Sida Xooga ah ay ugu Muujisan Tahay Kala Xiliga Iyo Cida Ay Hoos 
Tagayso Xilka Adeegsiga Anshax Marinta Xusbiyada Qaran. 
 
Qodobka 25aad: Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka 
1. Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul 
wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay. 
Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer 
hoosaadka. 
2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la 
baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor. 
3. Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la 
baahinayaa 30 casho ka hor. 
4. Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya. 
b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta 
t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga 
j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga. 
5. Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda 
ah waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo 
gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib. 
6. Hogaanka xisbiga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda soo 
jeedin kara. 
b) 1/3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga. 
t) Gudoomiyaha xisbiga. 
j) Is-casilaad. 
Waxaana cod kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga. 
7. Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa 
xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo 
gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo. 
8. Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta 
Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka 
doorashooyinka qaranka. 
AH ANSHAX-MARINTA ASXAABTA SIYAASADDA?
Xeerkani wuxuu awoodaas anshax marinta u siiyay laba hay'adood oo kala ah 
*Gudida Diwaan Galinta Ururada Iyo Asxaabta Siyaasad Iyo 
*Komiishanka Doorashooyinka Qaranka 
oo mid waliba ay xili go'an yeelanayso qabashada hawshan sida ku cad xeerkan 
gudihiisa Xeer No:14
 Halkaas Markaynu Marayno Waxaynu Eegayna Maanta Labadan Hay'adood Midkee 
Ay U Sugnaatay Awooda Anshax Marinta Asxaabtu?
XEER NO:14/ Qodobka 3aad: Faqrada 6aad.
Guddidu waxay xilka haynayaan muddo (2) labo sano ah oo ka bilaabanta maalinta ay 
Maxakamada sare xilka u dhaariso.
Madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa hadii loo baahdo, iyada oo muddo 
kordhintaasi cusub laga ansixin doono Gollaha Wakiilada.
*Waxa La Dhaariyay Xubnaha Gudida Diwaan Galinta 04-Oct-2011 Taas Oo Ka 
Dhigan Marka Xeerkan lagu sar-jaro In Mudo xileedkoodii Ku Eega 04-Oc-2013, 
Waxaana ay ku sii fadhiyaan Xafiiska Muddodaas Saayidka ah Dalabka Muddo 
Kordhin uu U Sameeyay Madaxweynuhu oo aan helin ogolaanshihii Golaha 
Wakiilada
Xeer M/weyne sumadiisu ahayd JSL/M/XERM/249-2108/102013, Ku 
Taariikhaysanaa14 Oct 2013.
{Waxaan go’aansaday In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta 
Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka
Hada Waxa Inoo Muuqata Inay Xiligan aynu ku jirno ay tahay xiligii ay Komiishanka 
Doorashooyinku Lahaayeen Awooda Anshax Marinta Asxaabta Siyaasada, Maadama 
oo ay ku egayd mudo-xileedka sharciga ah ee Gudida Diwaan Galintu 04-Oc-2013.
Waxa Mudadaas Intii Intii Ka Danbeysay Soo Baxay Isqabsiyo Dhax Yaala 
Xusbiyada qaar ka mid ah oo u baahan in ay helaan Cidii kala saari lahayd 
Hasa Yeeshe waxa iyaduna Mushkilad ku ah Kalsoonidii Komiishanku ku gudan 
lahaa waajibkiisa Mudo kordhinta uu madaxweynaha somaliland u sameeyay Gudida 
Diwaan Galinta ee wali qabyada ah.
Hadaba Waxaa Jirta Baahiyo u baahan jawaab iyo ka go'aan gaadhis degdeg ah oo ay 
qaado hay'ada awooda u leh Anshax Marinta Xusbi/Xisbiyada.
Taas oo ay haboon tahay inaanay isku halaynta Ay Labada Hay'adood ee 
Komiishanka Doorashooyinka iyo Gudida Diwaan Gelintu, ay midiba mid ku 
halaynaysaa Aanay Sababin Muran Iyo Khilaaf xal u helistiisu raagto oo keena inay 
Caqabad ku noqoto Doorashooyinka loo mudeeyay sanadka soo socda,
Sidaas Darteed Waxa Aan Ku Dhiiri galinayaa Komiishanka doorashooyinka qaranka 
Inay Ka Jawaaban Muranada Ka Dhax Taagan xusbiyada Qaranka qaarkood oo ay 
qabsadaan hawshooda si sharciga waafaqsan.
Guul iyo Gobonimo

Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed
Hargeysa

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 11 September 2013 15:34
Monday, 31 March 2014 14:36
Sunday, 30 March 2014 11:34
Tuesday, 22 October 2013 12:06
Wednesday, 28 August 2013 03:10
Wednesday, 19 February 2014 13:02
Tuesday, 25 February 2014 20:52
Thursday, 23 October 2014 11:30
Thursday, 09 January 2014 17:04
Monday, 16 December 2013 16:09