BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Laab dilaac ama laab olal

1461228_10202338112232084_171592172_nWaxa inta badan aad ku arkaysaa gobaha cafimaadka iyo meelaha kale ee layskugu yimaadaba  dad badan oo ka cabanaaya , laabdilaac ama laab olol , kuwaasi oo aan garaanayn waxa uu yahay  iyo sida uu ku yimid toona . taas darteed baa igu dhiiri galisay in aan wax idhaahdo waxyar oo ku saabsan  laab olalka ama laab jeex kolba sida aad u taqaan .
Waa maxay laab dilaac ama laab olol ?
Laab dilaac  waa xaalad uu qofku dareemo  olal ama gubasho laabta ah , siiba sakaarka dabadiisah/gadaashiis  inta u dhaxaysa labada naas  .olalkaasi  oo ah mid aad iyo aad  u daran oo qofka diiqad  galinaysa misne qofku dareemayaba  in laabtiisa qori ama dhinbiil dab ah  la saaray.
Laab dilaacu waa waa xalad iska joogta oo dadka intiisa badan ku dhacda , wakhtiiyo kala gadisan maalintii ama habeenkiiba ,waxana keeni kara sababo badan kuwaasi oo ka dhalaayana qaab nololeedka qofka .
Goorma ayuu yimadaa laab dilaacu ?
laabdilaac waxa uu yimaada marka uu qofka nooli ee bani Adamka ahi cabo ama cuno cunto xad dhaaf ah  .waxayna u dhacdaa oo ku bilaabmantaa qaabkani .
Qofku marka uu wax cuno waxa dhacda in cuntoda hunguriga marto dabadedna u dhaadhacdo caloolasha ,si loo bur buriyo oo looga dhigo mid jidhku qaadan karo .bur burinta cuntada waxa ka qayb qaata runtii waxyaabo badan , waxasi waxa ka mid ah Asiidh <Acid juice > taasi oo ah runtii shay halis ah oo wax gubta shaqadeeduna kaliya maaha in ay cuntada burburiso  lakiinse shaqooyin kale oo muhiim ahna waa u leedahay qofka .caloosha asiidha ka jirtaa waa mid aad iyo aad uga sarayso kana awood badan asiidha kale ee ka  jirta xubnaha kale ee jidhka  sidaas daradeed calooshu waxa leedahay lakabyo badan iyo waliba walxo kale uu u suuro galinaaya in ay iska difaacdo halista kaga imanaysa asiidha<acid>.
caloosha cuntadu waxay uga timadaa oo ka soo gashaa waa hunguriga madow<esophagus>
 Hunguriga iyo calooshu meesha ay kulmaan ee ay iska galaan waxa ka jira muruqyo badan oo isku tagay oo samaynaaya lingax < esophagial sphinter >,islamarkaana kala xidha caloosha iyo hunguriga , shaqadoduna waa in ay caloosha ku ilaaliyaan waxa ku jira si ayna u soo bixin ama dibada ugu fatahin,waxayna furmaan marka ay dhaafayso cuntada ka imanaysa xaga hunguriga .
Hadaba marka uu qofku cuno cunto aad u badan oo caloosha xoog u buuxiyo waxaa dhacda in calooshii kala baxdo  waxyna keentaa in muruqadii kala xidhaayay caloosha iyo hunguriga < esophagial sphinter > islamarkaana daboolka u ahaa calooshu ay dabcaan , oo ogaladaan in cuntadii ama wixii ku jiray calooshu  fatahaan , una fatahaan xaga hunguriga . fatahadaas waxa keenaysaa in asiidhii caloosha ku jirtay  ay iyana soo baxdo oo timaado  hunguriga <acid reflex>   ,taasi oo sababaysa in asiidhii waxyeesho  lakabka sare ama diirka sare ee hunguriga madaama aan hunguriga loogu talo galin in asiidha iska xejiyo islamarkaana yahay mid aad u khafiifa . markaa dhawacaas soo gaadhay hunguriga ee ka soo gaadhay asiidha dibada coloosha ka soo fatahday waa ta keenta in qofkii dareemo olol ama laab dilaac  iyo xanuun badn oo laabta ah,dabadeedna uu qofkii odhanaayo waan laab dilaacsanahay  ama laa jeeex baa i haaya  .wakhtiyada kale ee xaladani oo kale waxa ka mid ah qofkii oo biyo badan oo tanka caloosha ka badan cabba .ama isagii oo wax cunay oo foor foorarsada ,ama beerka u jiifsada .
  
Calaamadaha laabdilaaca 
Laab olal badan 
Hawo qadasha oo qofka ku yaraata 
Qabow ama dhidid jidhka ah 
Liqidista oo kugu adkaata 
Adiga oo daremaya in ayna cuntadu ka dagayn oo ayna dhan u dhaafayn hunguriga .
Waxyabaha dabka ku sii huriya laabdilaaca 
Qofka oo caba alhocol badan ,sida khamro , soda ama sharaabka hahda leh .sida cokaha iyo wixii lamid 
Adiga oo cuna cunto  bas basku ku badanyahay 
Shaaha iyo kafayga<coffee> laftoodu waa sii huriyaan 
waxyaabaha keena laabdilaaca 
Cunto xad dhaaf ah 
Cuntooyinka qaar sida  wxii toon leh , bas bas iwm
Seexasha marka cuntada ka dib 
Cayilaada badan  ama qofka oo buuran
Sigaarka cabista
Qofka oo beerka u jiifsada marka uu wax cuno  ka dib
Xidhashada  dhar jidhka adka ugu dhajisan 
Waxaad aad kaga horta tagi kartaa laab dilaaca adiga oo  ka dheraada waxyabaha kor ku xusan ee keena laab dilaaca .islamarkaana taasi uun baa u daawo ah .
Lasoco  articleka  danbe oon ku soo qaadan doono waxa uu yahay gaastarigu <gastritis> insha Allah .
By Hassan Dalmar 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 12 March 2014 01:39
Monday, 07 October 2013 23:25
Sunday, 11 August 2013 13:09
Sunday, 15 September 2013 18:07
Monday, 16 December 2013 10:06
Thursday, 13 February 2014 14:59
Wednesday, 29 January 2014 14:23
Thursday, 17 October 2013 19:45
Thursday, 14 November 2013 23:47
Wednesday, 25 December 2013 02:23