BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Ciidamada Badda Ee Dalka Faransiiska Oo Soo Badbaadiyay Markab Ay Budhcad Badeeda Soomaalidu Qafaasheen DAAWO SAWIRO WAXA QABSADAY

f121-01-2014 (BNN) Saraakiisha difaaca dowladda Faransiiska ayaa sheegay in ciidamada Badda Faransiiska ay soo badbaadiyeen badmaaxayaal u dhashay India ayna gacanta ku dhigeen koxihii burcad badeedda ahaa ee horey u qafaashay.
War ay soo saareen saraakiisha gaashaandigda  ee dowladda Faransiiska  ayaa lagu sheegay in ciidamada badda ee Faransiiska ay soo badbaadiyeen muwaadiniin u dhashay wadanka India kuwaasi oo ay horey u qafaasheen koxaha burcad badeedda Soomaalida ah iyo markabkii ay saarnaayeen.
Badbaadinbta badmaaxayaahsa India ayaa ka dambeysay kadib howlgallo deg deg ah oo ay sameeyeen ciidamada badda Faransiiska,  kuwaasi oo gacanta ku dhigay kooxihii burcad badeeda ahaa oo afduubtay markabkii ay saarnayaeen xilli uu marayaay xeebaha Cumaan.
Howlgalkaasi ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka qeyb qaateen ciidamada wadanka Japan ee la dagaalanka kooxaha burcada badeeda Soomaalida.
Markabkan oo lagu magacaabo Shane Hinda ayaa ah markab ganacsi lana aaminsan yahay in uu siday salaad iyo agab kale ee ganacsi.
Arintani ayaa waxaa ay qeyb ka tahay dadaallada ciidamada caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeedda ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah.
Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook
f1f2f3f5

 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 24 November 2013 13:57
Friday, 21 February 2014 13:03
Saturday, 05 October 2013 13:20
Saturday, 29 March 2014 04:30
Monday, 23 December 2013 10:34
Monday, 20 January 2014 17:38
Wednesday, 16 October 2013 20:36
Monday, 26 August 2013 00:57
Sunday, 12 January 2014 17:39
Tuesday, 07 January 2014 12:48