GAALKACYO:Qarax Wayn Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Oo Galaaftay Nolosha Dad Shacab Ah Iyo Khasaaraha Oo La Sheegay In..DHAGAYSO

qarax21-01-2014 (BNN) Ilaa  4 qof ayaa geeriyootay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib labo qarax oo ka dhacay xaafadaha Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland.
Wararka laga helayo goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tilmaamaya in qaraxu uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo ku dul qaraxday goob ay dadku isugu yimaadaan, waxaana qaraxa labaad uu ka dhacay isla goobta, taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca.
13ka ku dhaawacmay falkaasi qaraxa ah ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaadka ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhaqaatiirtu ay ka dayrinayaan qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi is xig xigay ee dhacay dhanka deegaannada maamulka Puntland.
Ciidamada ammaanka ee Puntland oo goobta soo gaaray ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan howlgallo ay dadka ku soo qab qabanayaan, iyagoo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay miinadaasi dhulka lagu aasay ee ka qaraxday Waqooyiga magaalada.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 04 September 2013 04:33
Thursday, 21 August 2014 09:41
Monday, 02 June 2014 13:41
Saturday, 31 August 2013 18:36
Tuesday, 22 July 2014 00:49
Saturday, 11 January 2014 13:37
Sunday, 29 December 2013 18:52
Monday, 19 May 2014 04:03
Friday, 20 June 2014 13:37
Saturday, 20 September 2014 08:22