BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

BORAMA:Koox Odhad Ah Oo Baadhitaan Ku Samaynaya Musuqmaasuq Xildhibaano Ku Sheegeen Dawlada Hoose

21.01-2014 8BNN) Magaalada Borama waxaa saaka soo gaadhay kooxda dabagalka hantida dawlada ee odhadka.Kooxdani odhadka ayaa kasooGolaha_deegaanka_Borama jawaabay baaq ay xildhibaanada golaha deegaanka Borama u direen,kadib markii ay xildhibaandu ku baaqeen in musuqmaasuq baahsani ka jiro maamulka Dawlada hoose ee Borama.

Kooxdani ayaa la ogayn goorta ay hawshooda bilaabayaan,waxaana imika ku sugan yihiin hotel ku yaala magaalada,Xildhibaan Boramanews uga waramay waxa laga rajaynayo kooxdani odhadka ee baadhitaanka ka bilaabaysa dawlada hoose ee Borama ayaa sheegay in odhadka Somaliland uu noqday baayacmushtari oo masuuliyiintu iska laaluushaan,taasi oo in badanba dhacday,balse xildhibaandu shaqadooda gudanayaan oo haddii ay sii socoto isqabqabsiga iyo maamul xumada ka jirta dawlada hoose ay fadhi ka yeelan doonaan.

Dawlada Hoose ee Borama ayaa waxa ka taagan ismariwaa xaga  awooda ah oo u dhexeeya Mayerka iyo ku xigeenkiisa.xaga xildhibaanada aqlabiyadooduna ka hor yimaadeen mayer Saleebaan Xasan Xadi oo xaaladu ku adag tahay maalmahan ugu dambeeyay.

 

Boramanews Desk

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 03 April 2014 18:39
Wednesday, 27 November 2013 11:35
Saturday, 07 December 2013 06:12
Tuesday, 07 January 2014 18:12
Wednesday, 01 October 2014 18:59
Friday, 27 December 2013 02:19
Wednesday, 13 August 2014 14:52
Thursday, 10 July 2014 14:58
Monday, 08 September 2014 08:07
Tuesday, 05 August 2014 15:22