BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

WAR DEG DEGA:Barlamaanka Somaliya Oo La Horkeenay Dawlada Cusub Iyo Xildhibaanada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ogolaaday Golaha Wasiirada Cusub

NEWS821-01-2014 (BNN) Mudenayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si aqlibiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay R/wasaaraha Dalka Mudane C/wel Sheekh Axmed Maxamed.
Kulankii maanta ee baarlamaanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa Xukuumadda cusub u codeysay 234 mudane oo si saf saf ah ugu qaadayay codka kalsooni siinta Xukuumadda.
Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 186 mudane ay ogolaatay Xukuumadda cusub, halka ay ka soo horjeesteen 46 mudane, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaasi ayuuna ku sheegay in Xukuumaddu ay ansax tahay.
Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ansixinta baarlamaanka uu ku ansixiyay barnaamijka Xukuumadda, waxayna sheegeen in ay hawshooda kasoo bixidoonaan.
A.Guutaale
Boramanews/Muqdisho
XBoramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 18 September 2013 14:51
Friday, 14 March 2014 17:23
Wednesday, 19 February 2014 12:00
Saturday, 14 September 2013 05:45
Friday, 04 April 2014 04:04
Friday, 31 January 2014 17:43
Wednesday, 21 August 2013 11:07
Sunday, 13 April 2014 15:10
Friday, 21 February 2014 21:42
Monday, 18 November 2013 05:59