BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Kuwaleh Waa Lana Xasuuqay Waxaan Leehay Nin Dhintay Ladacwiya, Pro:Samater Waxaan Leehay Waa Kuu Ceeb Inaad U Ololaysid ICtiraafka S/land, Sobobtoo Ah Waa Hal Beel (DAAWO SHAYGA)

shayga21-01-2014 (BNN) Mar uu maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Borama Siyaasiga Weyn Ee maxamed Xuseen Xareed Shayga ayaa waxaa uu shirkiisan kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin wadahadaladii dhawaan dalka Turkey ku dhex maray wufuudii ka kala socotay Maamulka S/land iyo Dawlada Fadaraalka Somaliya,

Siyaasi shayga ayaa gaashaanka ku dhuftay Qodobada shirkaasi ka soo baxay waxaana uu hoosta ka xariiqay in wufuuda ka socotay maamulka S/land ayna u dhanayn Beelaha wada daga deeganadani .
sidoo kale waxaa uu ka shanqadhiyey xasuuqii ay ku doodayeen wasiiradii ka socday maamulka S/land in lagula kacay dadkoodii,uu ahaa mid ay isku gaysteen islamarkaana ay ahaayeen falaago qaran dumis ah,hase ahaatee guud ahanab dalka somaliya uu ka dhacay dagaalo sokeeye oo dhex maray beelaha soomaaliyeed ayna hayd aafo qaran.
geesta kale waxaa uu siyaasi Shaygu uu sheegay uu ku eedeeyey in uu ka tanaasulo Pro:Axmed Ismaaciil Samater in uu u ololeeyo ictiraaf raadinta S/land mar uu arimahaasi ka hadlaayeyna waxa uu yidhi" Pro:Axmed Ismaaciil Samater waxa uu ku soo beegmay xili dadka la isku soo dhaweynayo haddii uu mar isa soo sharacay oo uu waayey doorashadii kama dhigna in la quudhsaday pro:Samaterse waxaa la dooran lahaa xili dalka ay ka hirgasho diimuqraadiyadu hase ahaatee ceeb ayaa ay kuu tahay sharaftaada maaha in maanta aad u ololaysid beesha hargeisa iyo burco oo aad ku wareertid Ictiraaf raadinta S/land.
sidoo kale waxaa uu siyaasi shaygu ku dhaliilay Wasiir Garaad in uu gaabsaday in uu tooshka markii wasiiradii reer hargeisa ay sheegteen in dadkoodii oo kaliya la xasuuqay in uu sheego dhibaatadii iyo xasuuqii ay gaysteen falaagadii SNM Deeganada gobolka Awdal Oo dhan 1991kii gaar ahaan Dilla Iyo Borama.
ugu dambeyntii waxaa uu shirkiisa jaraa'id baaq ugu diray beesha caalamka iyo hay'adaha deeq bixiyayaashaa in ay wax siiyaan beel kaliya ayna dabagal ku sameeyaan mashaariicda ay ka fulinayaan gudaha magaalooyinka Maamulka S/land.

Daawo Boramanews oo uu u waramay isagoo jooga Borama
Isha ku hay Boramanews.com markastaba

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 04 September 2014 10:09
Saturday, 31 August 2013 03:37
Monday, 02 September 2013 02:18
Monday, 15 September 2014 14:22
Wednesday, 12 February 2014 10:08
Sunday, 22 June 2014 21:34
Thursday, 31 October 2013 20:28
Monday, 14 April 2014 00:38
Friday, 08 August 2014 17:12
Thursday, 17 April 2014 06:13