BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Qaybo Ka Tirsan Gobolada Somaliya Oo Maanta Internet La,aan Ah Iyo Shirkado Fuliyay Amarkii Kooxda Alshabaab

interneralsh22-01-2014 (BNN) Warar ka imanaya  gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay fiidkii deegaanno qaar ah oo ka tirsan gobolka laga jaray adeegga Internet-ka ee ay bixin jireen shirkadaha isgaarsiinta, gaar ahaan shirkadda Hormuud. 
Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmooyinka Buulo-burte, Halgan, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmooyin kale oo ka tirsan deegaannada gobolka Hiiraan ay kaga sugan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa Warbaahinta u sheegay in xalay fiidkii laga jaray khadadkii Internet-ka. 
Waxa ay sheegeen in adeegga Internet-ka ee ay bixin jireen shirkadaha Isgaarsiinta ay ku qabeen faa’iidooyin ay ka mid yihiin xiriirka eheladooda jooga meelo ka fog waddanka. 
Mas’uuliyiinta shirkadda Hormuud ee degmada Buula-Burde oo aan la xiriirnay ayaa quus ka muujiyay wada xaajood ku aaddan in dib loogu furo khadka Internet-ka ee ay bixin jirtay shirkadda inta ay kooxda Shabaab ku sugan tahay gobolka. 
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan soo saaray amar ku aaddan in shirkadaha isgaarsiinta ay joojiyaan adeegyada Internet-ka ee ay bixiyaan.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 02 June 2014 14:01
Monday, 07 October 2013 04:23
Thursday, 06 March 2014 11:53
Tuesday, 26 November 2013 12:22
Sunday, 19 January 2014 14:39
Wednesday, 02 April 2014 03:57
Tuesday, 10 December 2013 09:28
Monday, 23 December 2013 05:00
Tuesday, 27 May 2014 15:59
Thursday, 05 September 2013 22:17