BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Hay,adda Xaquuqul Insaanka (Human Rights Watch) Oo Dawlada Somaliya Iyo Ururka Alshabaab Ku Eedaysay Xadgudubyo Ka Dhan Ah Aadanaha (WARBIXIN)

22-01_2014 (BNN) Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ku eedeysay xadgudubyo ka dhan ah aadanahaxuquuqul_insaanka
Dowladda ayey Hay'addu warbixinteeda ku sheegtay in intii lagu guda jiray sanadkii 2013-ka ay ku guuldareysatay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca caasimadda, Muqdisho.
Warbixinta ayey Human Rights Watch ku sheegtay in inkastoo ay jireen ballanqaadyo dhaqaale iyo taageero caalami ah oo loo sameeyay dowladda, ay haddana awood u yeelan wayday inay hormar ka sameyso ilaalinta xuquuqda shacabka.
Kufsiga
Leslie Lefkow, oo ah Agaasime kuxigeenka Afrika ee Human Rights Watch, ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay aheyd in sanadkii 2013-ka waxbadan ka qabato dhaqanka baahay ee isla xisaabtan la'aanta iyo sidii lagu soo gabagabeyn lahaa tacadiyada xagga kufsiga ee ka dhaca dhulka ay maamusho.
Warbixintan oo ka kooban 667 bog, ayey Human Rights Watch ku eegaysaa sida xuquuqda aadanaha looga dhaqangaliyo in ka badan 90 dal.
Warbixinta ayaa waxa ay si gaar ah u tilmaamtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldareystay wax ka qabashada xaalada liidato ee haysata barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho iyo sugida ammaanka deegaannada ay la wareegtay.
Warbixinta ayaa sheegtay in Ammaan dari iyo cagajugleyn ka dhan ah dadka rayidka ah ayaa ku badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururka Al-Shabaab uu kordhiyay weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka iyo dhismooyinka ay dadka rayidka ah ku badan yihiin ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warbixinno ay horey u soo saareen hay'adaha xuquuqda aadanaha oo loogu eedeynayay xadgudubyo ka dhacay Muqdisho.
Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in xubnaha Al-Shabaab ay fuliyaan dilal dadka madaxa laga goynayo, siiba kuwa looga shakiyo inay wax basaasayeen.


Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 08 August 2014 14:41
Wednesday, 04 September 2013 14:51
Sunday, 29 December 2013 02:10
Wednesday, 22 January 2014 13:19
Sunday, 08 June 2014 14:21
Sunday, 27 October 2013 23:28
Sunday, 19 January 2014 20:14
Tuesday, 05 November 2013 14:44
Tuesday, 12 November 2013 13:25
Friday, 11 October 2013 21:53