Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Salal Oo Sheegay Inay Ka Tanaasuleen Mawqif Ay Hore Beeshiisu Uga Qaadatay Khilaafkii Doorashada Deegaanku Sababtay Fartana Ku Fiiqay Siyaasiyiin ....

24-01-2014 (BNN) Badhasaabkii hore ee gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa sheegay in iyaga oo eegaya danta ummadda iyo qaranimadda Somaliland inay ka tanaasuleen mawqifkii beeshiisu ka qaadatay buunishaqaaqooyinkii iyo khilaafyadii siyaasiga ahaa ee ka dhashay doorashadii deegaanka ee ugu danbaysay, kaas oo ku dooday inay diyaar u yihiin isaga iyo beeshiisa Ciise-ba inay nabadgalyo iyo jaar wanaag kula noolaanayaan beelaha kale ee ay wada degaan gobolkaasi.
Mr Bucul waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay Haatuf ku siiyey khadka telefoonka isaga oo ku sugan magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal, kaas oo uu kaga hadlay arimo badan oo ku taxaluqa deegaanadaasi.
Maxamed Muuse Bucul waxa uu eedo u soo jeediyey rag aanu magac-dhabin oo uu xussay inay isku beel yihiin oo uu ku eedeeyey inay faro-galin ku hayaan arimaha dadka iyo deegaanka gobolka Salal, kuwaas oo uu tilmaamay inay dawladu u dhago-nugushay oo ay wax badan ka waydiiso xaaladaha deegaanadaasi. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xaaladaha deegaanka gobolka Salal, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Hadii aad xil hayso iyo hadii kaleba waa waajib inaad danta deegaanka iyo bulshadaada ka shaqayso, maadaama oo aanu odayaashii iyo siyaasiyiintii beesha nahayna waajibkii na saarnaa ayuun baanu gudanaynaa meelkasta oo aanu joogno, markaa run ahaantii xaalada deegaanku way wanaagsan tahay dadkii woxogaaga xurgufta ahi ka dhaxaysayna arintoodii way iska dhamaatay oo walaaltinimadii hore uga dhaxaysay iyo wanaagii ayaa maanta ka dhexeysa. Mida kale xaaladda deegaanku markii ay dhacday shaqaaqadii yarayd ee doorashada ka dhacday oo xaaladu yar xumaatay hadana dadku markay is khilaafaan dhinac ayuun buu tanaasulku ka yimaadaan, anaguna wiixi ku dhacay dadkayaga iyo beeshayada markaanu eegnay masuulnimada iyo sidii ay dawladu ula dhaqmaysayna waxaanu ka raacnay qaranimada Somaliland iyo midnimada ummadda inaanu u tanaasulno oo aanu tabashadayada liqno”.
Maxamed Bucul mar uu ka hadlayey Badhasaabka cusub ee todobaadkii hore loo magacaabay gobolka Salal, waxa uu yidhi “Badhasaabka cusub ee Salal mr C/risaaq waa nin aanu saaxiibo nahay oo waa nin aanu aad isku naqaano oo aanu hore-na u soo wada shaqaynay markaa ninkaas hambalyo ayaan leeyahay marka hore inkasta oo uu wasiir ahaa oo hore inuu u sii socdo ay ahayd hadana uu wakhtigu keenay inuu imika badhasaab uu noqdo waan bogaadinayaa, waxaanan u arkaa in la magacaabay wakhtigii ku haboonayd oo uu yahay nin aqoon badan u leh deegaanka iyo dadkaba”.
Badhasaabkii hore ee gobolka Salal Maxamed Bucul mar uu ka hadlayey rag aanu magacaabin oo uu ku tilmaamay afmiishaariin dawladda madaxwayne Siilaanyo u dhago-nugushahay, waxa uu hadalka ku bilaabay “Waxa jira rag aanu magaca oo kaliya uun wadaagno imika ahaana wax hawl ah oo halkan ka taalaa aanay jirin, waxaanay ragaas  oo faro-galin badan ku haya dadku waxay ka mid yihiin carqalada ugu wayn deegaanka Salal ka jirta, waxaana cadayn ah dhibta ay ragaasi ku hayaan dadka xataa xil ka qaadistaydii ayey masuul ka ahaayeen, dawladuna si qayrul-masuulnimo ah ayey ragaasi talo u waydiisaa oo way u dhago-nugushahay ragaasi. Markaa waxa aan leeyahay beesha Ciise waxay leedahay xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad badan markaa mawqifka ay xildhibaanadii arinta ragaasi ka hadlay halka ay ka taagan yihiin ayaan aniguna ka taaganahay”. Mr Bucul mar la waydiiyey cida ay yihiin ragaas uu faro-galinta deegaanka gobolka Salal ku eedeeyey iyo inuu cid ka magacaabi karo ayaa waxa uu ku gaabsaday inay ragaasi yihiin shaqsiyaad saamayn badan ku leh siyaasiyada beesha Ciise oo dalka Djibouti iyo Somaliland-ba ku kala nool, kuwaas oo uu ku dhaliilo fidmo iyo carqalad inay bulshadda ka dhex-wadaan isla markaana ay afmiishaaro xukuumada ku xidhan yihiin.
Badhasaabkii hore ee Salal Maxamed Muuse Bucul isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabay eedo uu dhawaan xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland uu ku duray madaxwayne ku xigeenka dalka C/raxmaan Saylici uu xildhibaanka ku dhaliilay inuu hadalo fidmo dadka deegaankaasi ka dhexa abuuri kara inuu warbaahinta mariyey, kaas oo xusay inaanay kula soconin dhaliishaasi.

HAATUF

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 27 February 2014 17:34
Monday, 04 August 2014 15:50
Wednesday, 23 July 2014 17:32
Saturday, 10 May 2014 10:25
Thursday, 30 January 2014 23:03
Friday, 14 February 2014 16:06
Sunday, 22 September 2013 13:28
Tuesday, 22 April 2014 20:51
Thursday, 24 April 2014 08:22
Saturday, 17 May 2014 10:45