BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HARGEYSA: Xukuumada Oo Al-Baabada Iskugu Laabtay Wargeysa Madaxa Banaan Ee Waaheen iyo Wargeysa Oo Maanta Soo Bixin iyo Wasiirka Waxbarashada Oo Ku Awoodeeda Tusaysa Saxaafada ..

WARGEYSKA_WAAHEEN22Hargeysa (Bnn) Wargeyska Madaxa banaan  ee Waaheen oo ka soo baxa Magaaladda Hargeysa ayaa Xalay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan Al-baabada iskugu laabtay. Wargeyska ayaan saaka soo bixin Illa xogogaal ah ayaa sheegay in Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Haween la socoday xalay gudaha u galeen Xarunta Wargeyska islamarkaana Hanjabaad Wasiirku u jeediyay ay sababtay inaan Wargeysku soo bixin.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Masuuliyiinta Waxbarashada oo Xalay ka hadlay TV-yada qaarkood ayaa sheegtay inaan waxba ka jirin warar Wargeyska Waaheen iyo Warbaahin kale baahisay oo sheegayay in Kulan hawleed Magaalada Nairobi kaga qayb galeen qaar ka mida Masuuliyiinta waxbarashadu lagu falanqaynayay sidii loo midayn lahaa Manhajka waxbarashada Somaliland iyo Somalia. Wasiirka oo ay weheliyaan Xubno kale ayaa si adag warkaasi u beeniyay.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay Dhacdadan dhinaca Masuuliyiinta Wargeyska iyo Wasiirka Waxbarashada midkoodna. Lama oga
in wargeysku shaqada sidaasi ku joojinayo iyo in kale. Xukumadda Madaxweyne Silaanyo ayaa hore wargeyska Hubaal u madnoocday islamarkaana ilaa hadda aan wax Amara ka soo saarin xayiraada Saaran.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Sunday, 13 July 2014 14:02
Saturday, 22 March 2014 20:41
Wednesday, 18 June 2014 22:38
Wednesday, 19 February 2014 12:00
Thursday, 12 June 2014 07:10
Tuesday, 09 September 2014 02:07
Wednesday, 23 July 2014 09:32
Friday, 17 January 2014 10:31
Saturday, 01 February 2014 20:47
Friday, 05 September 2014 12:11