BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Qaramada Midoobay Oo Qeyla Dhaan Ka Soo Saartay Qoxootiga Soomaalida Ee La Soo Masaafurinayo

tarxiilka_soomaalida29-01-2014 Borama (Bnn) Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ayaa ka codsatay waddamada tarxiilka ku haya Soomaalida magan galyo doonka in ay joojiyaan.

Waxay sheegtay UNHCR in xaaladda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya aysan xasiloonayn isla markaana ay u baahan yihin dadweynaha goobahaas ku nool caawimaad caalami ah.

Afhayeen u hadashay Hay’adda oo lagu magacaabo Fatoumata Lejeune-Kaba ayaa sheegtay in ammaanka gobolada Koonfureed iyo bartamaha Soomaaliya ay soo wanaagsanaanayeen mudooyinkii u dambeeyay balse weli waxaa ka jirta cabsi iyo tacadiyo ka dhan ah bin’aadanimada.

Waxay intaaas ku dartay in dadka rayidka ah ay khasaaro kasoo gaarto dagaaladda Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, waxayna ka digtay in dadka magan galyo doonka haddii dib loogu celiyo goobahaas in xaaladdo khatar ah soo wajihi karaan.

Warbixinta UNHCR ayaa lagu sheegay in Soomaali ka badan 42,000 oo qaxooti ku ah waddamada deriska ah ay waydiisteen magan galyo balse intooda badan laga soo tarxiilay.

Afhayeenada ayaa ka codsatay Boqortooyada Sacuudiga in ay joojiso tarxiilka ay ku hayso dadka Soomaaliyeed ee halka u xamaali taga, iyadoo daboolka ka qaaday in tiro badan oo qaxooti Soomaaliyeed dib looga soo celiyay wadanka oo si qasab ah loogu celiyay Soomaaliya.

Mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa Soomaali badan laga soo tarxiilay Boqortooyada Sacuudiga iyagoo laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Muqisho, waxaana qaar kamid ah xaaladahooda yihin kuwa aan wanaagsanayn

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 09 June 2014 18:06
Wednesday, 09 October 2013 21:44
Wednesday, 13 November 2013 09:03
Friday, 16 August 2013 04:51
Saturday, 05 April 2014 04:09
Sunday, 06 July 2014 12:23
Friday, 22 November 2013 18:32
Wednesday, 07 August 2013 05:23
Thursday, 22 August 2013 04:32
Thursday, 23 January 2014 17:55