BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

TIMANA MAKAANKA AYAA LAGU XIIRAA TIMANA MADAL AYAA LAGU XIIRAA

warsame11TIMANA MAKAANKA AYAA LAGU XIIRAA TIMANA MADAL AYAA LAGU XIIRAA
Marka hore waxaan iga Afeef ah in aan ahay muwaadin islamarkaana ah aqoon yahan ka mida 
bulshada Gobolka Awdal islamarkaana xaq u leh inuu ka hadlo afkaartiisa iyo aragtidiisa ku aadan 
hormarka ,dhinacyada Arimaha bulshada haday tahay mid maamul , haday tahay mid shacab,iyo waliba 
mid dhaqaale
Hadaba aniga oo manta jecel inaan hadalkayga ku abaaro qaar kamida xub naha golaha deeganka 
borama oo beryahan ba aad moodo inay iskaga darsantay hadalada ceebta ku ah iyo waxyaabihii 
kale ee wanaagsanaa waayo timana makaanka ayaa lagu xiiraa timana madasha .sidaa darted waxay 
baalmareen nidaamkii xildhibaanimo iyo xilkii umada ka saarnaa taasi oo aan u aanaynaayo markaan 
meelo badan ka eegay aqoontooda iyo waayo aragnimadooda oo aad u liidata, waad garan kartaa qof 
masuula oo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisu liidato dhibaatada uu keeni karo wuxuu la mid yahay 
gaadhi xawli ku socda oo aan lahayn brake , dadkaas ayaa maanta golaha fadhiya dadkaas ayaa ah 
dadkii umada ama shacabka ma talaysay oo isleh xilbaa idin saaran ,waxaan hadalkayga cadayn uga 
dhigayaa qiimayn aan sameeyay iyo waliba hadalo aan ka dhagaystay websit yada iyo warbaahinta kale 
oo qaar ka mida goluhu ku cabanayeen.
Cabashadaas ay warbaahinta ka sheegayeen ayaa waxa ka mid ahayd 1)shaqaalaha oo la kordhiyay 
aduunyada lama arag cid lagu dhaliilay shaqaalaha ayaa la kordhiyay waa arin aad iiga qoslisay waayo 
shaqaale kordhintu waa wax qabad iyo horumar dhaqaale leh dawladuhu na waa system ka kaliya ee ay 
ku kala hormaraan tirada shaqaale la kordhiyay 2) musuq maasuq waa sax inay ka hadlaan lakin maaha 
inay ka hadlaan wakhtiga uu maamulku soo bandhigay wax qabadkiisii taasina waxay ku haboonayd 
inay ka hadlaan mar hore gaar ahaan golaha dhexdiisa kaga doodaan waayo xaq ayay u leeyihii waa 
hadii ay jirtee lakin qaabkaas ay u hadleen ayaaba cadaynaysa inay hadalkaasi uuna sal iyo raadtoona 
lahayn, sxbayaal anigu waxaan ka mid ahay dadka aad matashaan ixtiraam iyo sharaf ba waan idiin 
haynaa ee idinku sharafta ha iska qaadina waayo ma haboona in meeshaad martaanba farta laydinku 
soo fiiqo ma haboona in mar walba laydin arko idinka oo isdaba guuraaya oo maqiiqan oo sidii qof 
waalan ordaaya wax aan shaqadiina ahayn ayaad maalin kasta iyo habeenkasta ku daasheen ugu 
danbayn hadalkayga waxaan ku soo koobayaa talooyin aan idiin soo jeedinaayo iyo waliba baaq aan u 
diraayo aqoon yahanada Gobolka 
Talo waxaan talo ahaan idiin soo jeedin lahaa 1) inaad wax ka barataan nidaamka maamul iyo Anshaxa 
guud 2) inaad wakhti siisaan maamulka golaha deegaanka iyo xigeenkiisa waayo idinka ayaa doortay 
oo ka dhigay mayor iyo xigeen, shaqadooda iyo xilka ay umada u hayaana aad ka daysaan aflegaadada 
iyo dacaayada aad maqaaxiyaha aad kaga sheekaynaysaan, wixii talo ahna golaha dhexdiisa aad ugu 
soo jeedisaan taasi ayaa nidaam ah 3) inaad wax kasta oo aad qabanaysaan aad ka eegtaan dhinaca 
wanaagsan waayo waxaan arkaa idinka oo xitaa iska hinaasaaya hadaad aragtaan xildhibaan la jooga 
maamulka , ugu danbayn inaad iska dhaaftaan, xaasidnimada , qabyaalada, iyo warxuma tashiilka.
Waxaan baaq u dirayaa bahda Aqoon yahanada oo ay Hogaaminayso jaamacada Amoud university inay 
golaha siiyaan tababar xaga maamulka , Anshaxa,Nidaamka kala danbaynta xaga shaqada , waa qaar 
Kamida xildhibaanada ma aha dhammaantood waayo way jiraan rag badan oo waayo aragnimo leh
By Hussein osman warsame(Hussein harry )
Graduate Amoud university faculty of ECONOMICS AND POLITICAL SCEINCE