BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO Fadeexad Shalay Ka Dhacday Maxkamadii Lasoo Taagay Madaxweyne Mursi Dalka Masar Oo Rag Sanado Hore Dhintay Oo Falastiin Ah Lagu Eedeeyay In Ay Xabsiga Ka Sii Daayeen DAAWO CEEBTA

 masarfadexadmaxkmad29-01-2014 (BNN) Xukuumadda Melleteriga Masar ee Inqilaabka ku qabsatay talada dalka Masar ayaa ku fadeexadowday dacwad been ah oo ay kusoo oogeen Madaxweynihii hore ee dalka Masar.

Garsooraha Maxkamadda dambiyada Masar ayaa shalay saxaafadda ka hor akhriyay eedaymaha loo heysto madaxweyne Mursi waxaana kamid ah in uu saraakiil Ururka Xamaas katirsan uu Masar soo geliyay.
Qaadiga Maxkamadda ayaa saxaafadda u akhriyay magacyada 2 Nin oo Filasdiiniyiin ah oo la sheegay in sanaddii 2011-ka ay xoog ku galeen Xabsi uu waqtigaasi ku xirnaa Mursi!!.
Xussaam Cabdalla Ibraahim Al Saanic waxaa lagu dilay magaalada Qaza 2008 halka Xassan Salaama sanaddii 1996 lagu xukumay 48 sanadood walina xabsiga lagamasii dayn dalka Israel.Maxkamada ayaa dib loogu soo laaban doonaa 22 bisha labaad.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 06 August 2013 19:03
Wednesday, 19 February 2014 20:30
Tuesday, 03 June 2014 12:49
Monday, 09 September 2013 15:08
Wednesday, 18 June 2014 11:57
Monday, 19 May 2014 17:39
Friday, 01 August 2014 12:35
Thursday, 29 August 2013 09:17
Thursday, 12 December 2013 16:48
Thursday, 24 October 2013 10:44