SIILAANYO WASIIRADA ISAGAA ""GREENLIGHT" SIIYAY IN AY WAXEY DOONAN SAMEEYAAN!!

Ugu horeyn  waxaan  salaamaya  bahda  saxaafada, guud  ahaan, gaar  ahaanba,waxanan ku salaamayaa  salaamta Islaamka ee  ahsiilaanyo ''Ascw''.
Ka dib  beryahan  waxaan  la  wada  soconaa  qeylodhaan  ka  soo  yeedheysa taageerayaashii  xisbiga  kulmiye  iyo  hogaaankii  xisbiga  kulmiye.
Hadaba  marka  aqliga  fayow  loo  noqdo  ama  garashada  saxda  ah  ee  fog  la  kaashado  waxa  kuu  soo  baxeysa  in muranka  iyo dib u dhaca  shirka  kulmiye  yahiin  wax  uu  Oday  siilaanyo  u  badheedhaayo, isagoo  kolba  tuul  cusub  oo  uu  ugu  yeedho  wasiiro  adeegsanaaya.
Macnaha  eryga  wasiirka  maanta  ee  somaliland  waa  shaqaale  uu  siilaanyo  leeyahey  dadkana  umma  wada  sinaankaraan  ee  kii  shaqada  qortay  ayay  u  shaqeynayaan  dab can kaasina  waa  siilaanyo.
Wax  kale  oo  iska  cad  i  oday  siilaanyo  uu  wasiiradiisa  amar  ku  siiyey  in  ay  is  hortaagaan  wax  kasta  oo  ay  hogaan  ku  sheega  beenta  ah  ee  xisbiga  kulmiye  soo  jeediyaan  waxana  kuu  cadayneysa  xitaa  in  awoodoodii  uu  madaxweyne  ku  xigeenka  oo  fulinaya  fariinta  madaxweyne  siilaanyo  uu  si  cad  u  joojiyey  shirkii  iyo  qorshahii  socday  ee  gabgabada  ku  dhawaa.
Waxaad  arkeysaa  wasiiro  aan   cabshadooda  u  la tagayn   gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye  balse  siilaanyo  la  showraaya, halkaasina  waxaa  ka  cad  in aanu  xisbiga  hogaankiisa  uu  siilanyo  dhabar  jabiyey  kuna  balan  furey  sheekaduna  waa  xaajo  nin  kastaa  ka  tali waana  kala  guur  iyo  kala  yaac.
Ugu  danbeyntii  wasiirada  waa  wasiiro, ku  howlgalaaya, magacii  ummada, shaadhkii  dalka, dhaqaalahii  ummada, xilalkii  ay  dadka  u  hayeen, hadana  waxaa  la  leeyahey  waxey  ka  talinayaan  xisbigii  oo  sideey   isu  raacayaan  qofku  in  uu  shaqo  aan  tiisii  aheyn  faraha  la  galaa?  dabcan  wey  arkoonayaan  waxaana  laabta  u  gaaracaaya  waa  Odaygii  wasiirda  siiyey  waxa  loogu  yeedh '' greenlight"  oo  ah  in  ay  waxay doonaan  sameeyaan ee  ummada  yaan  been  loo  sheegin  kama  jiro  xisbiga  kulmiye  dhibaato  aanu  siilaanyo  abuurin.
Gabagabdii  waxaan  f  fariin  u  dirayaa  gudoomiyaha  beenta  ah  ee  xisbigaasi  waa  muuse  biixi  cabdi, waxaanan  leeyahey    maahan  in aad  taageerayaashaada  kolba  been  u  sheegto  siilaanyo  wuu  ka  badheedhey  in  uu   wasiir  samaale  maanta  ka  dhigo  milyan neer, wasiir  arimaha dibada  ee  cusubna  waxa uu  u   keenay  wax  uu  raadiyey  cid adiga  iyo  qabiilkagaba  neceb  waana  mr  wasiir  daafuur  oo  hada  ah  kuwa  wasiiro  ku  sheega  ah  looga  dhigey  gudoomiye  xumaanta  siilaanyo  faafiya  balse  waan ka  xumay  in  80  jirkaasi  la  adeegsado, oo  aqli   uu  ku  garto  waayo   waase  caado, dumarkaa  marka  la  shukaansanaayo  la  amaanaa  tolkeena  waa  habaar  ku  dhacey  in  hankoodii  wasiirnimo  50sanno  dhaafi  waayo , ee  adigu  waa  in  aan  go' aankii  aad  siilaanyo   aad  iska  kaga dhicin  laheyd qaadataa waxba  yaan  sifir  iyo  ina  kaahin  oon  siilaanyo  waxba  ka  maqleyn  balse  uu  laftooda  ka  dhigo  ulo  uu  meelaha  qaar  iskaga  eego  ha  sii  eegin  ee  meesha  waxaa  kuu  taala  nin  la  tumay  tallo  gaadhey.
Qore: Tahir hussein/ London,Uk.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 12 August 2013 01:13
Monday, 06 January 2014 16:48
Saturday, 12 April 2014 05:17
Saturday, 09 November 2013 19:50
Tuesday, 22 April 2014 21:03
Sunday, 30 March 2014 10:20
Monday, 05 August 2013 03:13
Monday, 14 April 2014 23:37
Thursday, 30 January 2014 07:07
Thursday, 13 February 2014 18:18