BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Daraasad Dheer Oo Dhakhaatiir Maraykan Ahi Sameeyeen Oo Lagu Ogaaday In Aalada Laga Xoqo Kaadhka Telefoonada Ay Ku Jirto Sun Dhalisa Kansarka Maqaarka Jidhka (WARBIXIN)

kaadh29-01-2014 (BNN) Baadhitaan ay sameeyeen khubaro caafimaadka ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday nuuc cusub oo Kansarka ah oo ku dhacaya dubka sare ee jidhka bini,aadamka,Baadhitaankani ayaa daaha ka rogay in Kaadhka la xoqo ee Telefoonada ama Nambarka sirtu ku qoran yahay uu xuubka sare ee lagu qariyay ka samaysan yahay Nitric-Oxid oo dhalisa Kansarka.Warbxintani ayaa ka dhigtay in xoqida oo loo isticmaalo cidiyaha ay ku reebi karto qayb ka mida aaladaasi yar ee nambarka qarisa ay ku hadhi karto cidida hoostiisa taasi oo marka dambe ay keeni karto Kanser ku dhaca haraga dusha ee jidhka Bani,aadamka.

Daraasadani ayaa daaha ka rogtay sida khatarta leh ee dadku u xoqdaan kaadhadhka telefoonada loo isticmaalo,waxayna ka digaysaa cawaaqibka ay ku leedahay caafimaadka.

Cabdoo Xaaji

Boramanews Office

Isha Ku Hay Borama News International

 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 17 September 2014 02:56
Friday, 22 November 2013 05:00
Monday, 17 March 2014 02:26
Sunday, 02 February 2014 18:43
Friday, 28 February 2014 14:49
Wednesday, 19 February 2014 14:09
Monday, 21 April 2014 16:57
Thursday, 12 September 2013 16:05
Wednesday, 06 November 2013 10:47
Wednesday, 05 March 2014 10:09