Muwaadin Soomaali Ah Oo La Dilay Midkalena Dhaawac Baa Loo Gaystay Kadib Markii Maheradooda Lagu Weeraray Dalka Koonfur Afrika Iyo Magacyadooda Oo....

somali_la_dilay29-01-2014 (BNN) Sida ay sheegayaan mas’uuliyiin katirsan Jaalliyada Somaliyeed ee dalka K/Africa waxaa maanta lagu dilay magaalada Port Elizepeth Muwaadin Somaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dukaamada kulahaa magaaladaasi.

Jaaliyada ayaa sheegay in C/qaadir Maxamed Cumar la dilay iyadoo mid kale oo ay isku meel ka shaqeyn jireena la dhaawacay waxaana falkaasi geystay kooxo madow Koonfur Afrikaan ah.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay meel la yidhaahdo New Brighton waxaana dilkiisa uu dhacay xilli uu waday baabuur badeeco uu siday dukaan uu lahaa iyadoo dhaawaca muwaadinka kale hadda lala tacaalayo.

Waa dilkii labaad oo muddo seddex maalmood ah gudahood ka dhaca dalkaasi oo ganacsato Somali ah lagu dilo iyadoo isniintii maalin ka hor lagu dilay tuulo ku taalla magaalada Pretoria ganacsade lagu magacaabi jiray Axmed Haadi Fareey.
Dilka iyo boobka Soomaalida lagu hayo ayaa caadi ka ah dalka Koonfur Afrika waxaana batay Soomaalida kasoo noqonaysa ee dalkooga aaminaya.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 15 August 2013 13:21
Sunday, 11 August 2013 18:25
Saturday, 04 January 2014 12:56
Sunday, 20 July 2014 12:26
Sunday, 04 May 2014 23:59
Friday, 17 January 2014 19:52
Saturday, 14 June 2014 10:51
Sunday, 15 June 2014 07:31
Monday, 30 June 2014 07:27
Thursday, 14 August 2014 01:48