BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

WAR DEG DEG AH: Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Caawa Xoriyadiisii Loo Soo Celiyay Lagana Siidaayay Xarunta Nabadsugida Laguna Wareejiyay Beeshiisa

xasan_daahir_aweys_329-01-2014 Muqdisho (Bnn) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Goor-Dhow Xabsiga kasii daysay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Hogaamiyii kasoo baxsaday Kooxda Al shabab.

Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa laga sii daayay Xarunta Hay'adda Nabad Suggida Qaranka DFS ee ku taalla Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waxaana loo wareejiyay Guri ku yaala Magaalada Muqdisho oo Xabsi Guri ahaan loogu hayn doono.

Odayaashii Beesha Habargidir, ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys kasoo kaxeeyay Xabsiga, islamarkaana geeyay Guri loogu diyaariyay Gudaha Muqdisho, waxaana Amaankiisa sugaya Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Xasan Daahir ayaa ku jiray Xabsiga Dowladda tan iyo bishii June ee sanadkii 2013, waxaana uu diiday in uu ka tanaasulo Mowqifkiisii hore ee uu uga mid ahaa Kooxda Al Shabaab, si DFS ay xuriyadiisa u siiso.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 07 September 2013 23:31
Tuesday, 28 January 2014 14:01
Tuesday, 10 December 2013 15:53
Friday, 17 January 2014 12:09
Saturday, 09 November 2013 06:02
Thursday, 12 September 2013 17:19
Wednesday, 12 March 2014 20:01
Sunday, 04 August 2013 09:11
Sunday, 19 January 2014 11:41
Sunday, 05 January 2014 23:37