BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Raysal Wasaare ku Xigeenka Dalka Liibiya oo Ka Badbaaday isku-day Dil La Damacsanaa In Lagu Khaarajiyo +VIDEO

isku_day_dilka30-01-2014 Tripoli (Bnn) Sadiiq Cabdulkarim Raysalwasaare kuxigeenka wadanka Liibiya ahna siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa duhurnimadii Arbacada (Shalay) ka badbaaday weerar ay ku qaadeen kooxo hubeysan gaarigii uu saarnaa.

Kooxdan ayaa rasaas xoogleh ooda uga qaaday gaarigii siday Sadiiq Cabdikariim xili uu kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha kuna siijeeday xarunta Baarlamaanka.

Raysalwasaare kuxigeenka Liibiya oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Tripoli kadib weerarkii lagu qaaday isagoo sheegay in aan wax cabsi ah ka qabin hanjabaada iyo weerarada lagu soo qaadayo.

“…Waxaan u sheegayaa kooxaha weeraradan wada in aysan ka weyneyn Liibiya, isla markaana ragga liibiya aan lagu cabsi gelin rasaas, qoryo iyo gantaalo…”ayuu yiri Sadiiq Cabdulkarim oo shirkiisa jaraa’iid telefishinka laga baahiyey.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ka jira amni xumo tan iyo intii kacdoonka xukunka looga tuuray xukuumadii Col.Qadaafi sanadkii 2011. Dowlada Liibiya ayaa la tacaaleysa xakameynta kooxaha hubeysan ee ka qeyb qaatay dagaalkii Liibiya, kuwaasi oo hada diidan inay hubka dhigaan

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 02 October 2013 06:26
Wednesday, 28 August 2013 15:10
Thursday, 05 June 2014 01:55
Saturday, 28 December 2013 18:31
Thursday, 19 September 2013 20:21
Wednesday, 05 March 2014 04:46
Saturday, 09 November 2013 14:31
Friday, 29 November 2013 23:11
Thursday, 26 December 2013 01:11
Thursday, 22 May 2014 11:08