BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Sheegay In Dhawaan Hub iyo Saanad Milatiri La Soo Dagayaan Al-Shabaabna Cidhib Tirayaan iyo Baaq Qaramada Midoobay Uu U Diray

hassan-300x16030-01-2014 Addis-Ababa (Bnn) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Haatan Magaalada Addis Ababa Kaga Qaybgelaya Shirka 22-aad ee Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika, ayaa Ka Hadlay Arrimo Dhawr ah iyo Tallaabooyinka ku qorshaysan Mustaqbalka Dhaw.

Madaxweynaha ayaa isagoo u warramayey Warkaalada Wararka ee Reuters, waxa uu Carrabka ku dhuftay inuu Dhawaan Soo Iibsan doono Hub iyo Saanad Militari oo uu kula Dagaalamo Kooxaha Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin soo Iibsashada Hub badan, maadaama Dhawaan ay ciidamo tiro badani tababaro kala duwan soo dhamaysteen, kuwaas oo u Baahan in Si weyn loo Hubeeyo si ay dagaal ula Galaan Kooxaha Dawladda ka soo horjeeda.

Waxa kale oo uu sheegay inay ka Go’antahay inuu Dabar jaro oo uu wax ka Qabto Musuqmaasuq iyo Wax is daba marin ka jirta Maamulkiisa Haatan.

Madaxweynaha ayaa golaha ammaanka QM ka codsaday in ay ka qaadaan cunaqabatenta xagga hubka ee saaran dalka in kastoo qayb ka mid ah laga qaaday.

Wuxu sheegay in mardhow ay qaadi doonaan dagaal ka dhan Al-Shabaab kaasoo lagu doonayo in looga xoreeyo dalka oo dhan.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne xasan sheegay in ay damacsan yihiin in dhawaan ay isku filnaan gaadhaan oo ay ka maarmaan ciidamada Midowga Afrika ee jooga dalka haddii ay helaan hub iyo ciidan ku filan.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka hadlay qorshe cusub oo dowladiisa ay damacsan tahay taasoo in la timaado hannaan hufan oo ku aadan in kor loo qaado hey’addaha dhaqaalaha dalka lana yimaado isla xisaabtan si meesha loo saaro musuq-maasuqa ragaadiyay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa rajo fiican ka muujiyay in Soomaaliya ay gaadhi doonto meel fiican sannadka 2016-ka isla markaana dalka ay ka dhici doonto doorasho xor, Al-Shabaab laga saari doono waddanka oo dhan .

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 19 August 2013 00:37
Saturday, 08 March 2014 08:07
Thursday, 24 October 2013 16:30
Saturday, 17 May 2014 10:31
Sunday, 08 June 2014 21:51
Sunday, 01 June 2014 09:05
Wednesday, 14 May 2014 04:10
Saturday, 17 August 2013 17:00
Friday, 07 March 2014 07:58
Saturday, 12 July 2014 18:04