BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Al-Shabaab Oo Xaruntooda Labaad Ka Furtay Deegaanka Xidhxidh Ee Gobolka Sool iyo Warar Sheegaya Al-Shabaabtii Galgala Ee Puntland Oo Soo Degtay Somaliland

shabaab_ka30-01-2014 Hargeysa (Bnn) Deegaanka Xidhxidh ee gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa in uu noqday dhufays labaad oo ay kooxda Galgala degan ee Alshabaab u isticmaasho xaruntooda labaad ee ay ka dageen Somaliland, halka buuraha Galgala oo toddobaadkan dagaal ba’ani ku dhex maray ciidanka Puntland ay ka ahayd bogcada ugu haboon ee ay gabaadsadaan marka ay ka yimaadaan Somaliya

Muddo imika laga joogo dhawr bilood ka hor waxa soo baxayey warar sheegayey in saraakiil Alshabaab ka tirsan oo u dhalatay Gobolka Sool xidhiidh hoose la soo sameeyeen Somaliland, isla markaana ay soo dalbadeen cafis, balse markii danbe la waayey meel uu ku danbeeyey dalabkoodu.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Somaliland ayaa wakhtigaasi xaqiijiyey in ay jiraan warar ay is-dhaafsadeen kooxdaasi, hase yeeshee waxa ay markaasba dareen taban ka bixiyeen qorshahaasi runnimadiisa, iyagoo ku tilmaamay waji ay yaqaanaan mararka qaarkood kooxdaasi oo ay gabaadsadaan inta ay fulinayaan hawlgaladooda dagaal.

Kooxdaas la soo xidhiidhay Sirdoonka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen niman caan ahi illaa hada lama oga meel ay ku sugan yihiin, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya in ay saldhig ciidan ka samaysteen, halkii ay awal hore deegaankaasi uga isticmaali jireen marin ahaan, isla markaana ay ku xidhiidhin jireen socotadooda isaga gooshi jirtay Buuralayda iyo Koonfurta Somaliya.

Deegaanka Xidhxidh oo ah goob u dhaxaysa Buuhoodle ayaanu ka jirin Nidaam xukuumadeed oo la tacaali kara kooxaha ku dhuumaalaysta maadaama ay fursadaasi tahay ta u sahashay inay gabaadsadaana ma jirto cabsi balaadhan oo ay ka qabaan.

Ciidamadda Itoobiya oo ka dhaw deegaankaasi ayaa dhawr jeer dagaalo goo-goos ah la galay kooxdan oo qaarkood gaadhsiiyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isagu jira, halka kuwa Itoobiyaanka ahna sidaas oo kale khasaaare kaas la mid ah ay ku gaadhsiiyeen.

Ma jirto talaabo ciidamadda Somaliland ee ku dhow deegaankaasi ka qaadeen kooxdan, hase yeeshee Ciidamada Puntland ayaa ku qaada weeraro qorshaysan si ay uga hortagaan khatar kaga timaada kooxdaasi oo kulaalaysa magaalooyinka waaweyn ee ay ka mid yihiin Boosaaso iyo Garoowe.

Si kasta ha ahaatee, waxa jira dareeno walaac ka muujianaya deegaanka xidhxidh haddii aan si dhakhso ah looga hawlgalin in ay ku dilaacsan doonaan Ugxan Eel halis ah ku beerta Gobolkaas,taasoo saamayn doonta Mandaqada, maadaama Xilligan Xulafada AMISOM ay balanqaadeen in ay xididada uga siibi doonaan sanadkan Koonfurta Somaliya.

XIGASHO

Waaheen/HARGEYSA

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 10 December 2013 13:55
Wednesday, 29 January 2014 14:44
Saturday, 10 May 2014 16:29
Saturday, 11 January 2014 12:18
Monday, 21 April 2014 16:46
Tuesday, 22 April 2014 03:18
Thursday, 21 August 2014 19:56
Tuesday, 18 June 2013 00:32
Saturday, 26 October 2013 05:39
Wednesday, 05 February 2014 00:42