BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

PENTAGON:Dawlada Maraykanka Oo Faahfaahin Dheeraada Kasoo Sartay Weerarkii Diyaaradooda Drone Ku Qaaday Alshabaab Iyo Axmed Godane Oo La Sheegay In ....WARBXIN

ALSHABAABUSA30-01-2014 (BNN) Sida ay wasaarada difaaca dalka Maraykanka ee Pentagonku ku warantay weerarkii lagu qaaday waqooyiga Barawe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa laga gaadhay Guul.War laga helayo sirdoonka dalka Somaliya iyo kuwo Amisom ayaa sheegaya in Kolonyada la weeraray uu ku jiray Axmed Godane oo ah hogaamiyaha kooxda Alshabaab.Pentagon ayaa sheegaysa in ay baadhitaan wali ku hayaan goobta isla markaana ogaanayaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ay la beegsadeen kooxda Alshabaab oo lagu dhilay sargaal sare oo ka tirsan kooxdaasi oo la ,odhan jiray Axmed Abdulqadir (Isku-dhuuq).

Afhayeen u hadlay Pantagonka ayaa ku adkaysanaya in aan lagu degdegin ilaa inta la ogaanayo dhimashada ama dhaawaca Axmed Godane oo kooxdaasi kolonyada ah la socday.Wali waxaan ku jirnaa baadhitaan dhacdadaasi ku xaqiijinayno ayuu afhayeenku ku adkaystay.

Warar ka imanaya Baroowena waxa ay sheegayaan in Alshabaab baadhitaan ka wado goobtaasi isla markaana ay xabsiga dhigtay tiro dad ah oo ay ku tuhmayaan in ay basaaseen.

Dawlada Maraykanaka ayaa wada ugaadhsi ay ku hayso kooxda Alshabaab oo ay u aragto cadow ka dhan ah nabada.

 

Xafiiska Boramanews

Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 21 July 2014 04:36
Monday, 09 December 2013 20:30
Sunday, 22 September 2013 20:54
Thursday, 05 June 2014 15:37
Sunday, 08 September 2013 20:53
Monday, 26 August 2013 23:01
Monday, 12 August 2013 08:27
Friday, 18 April 2014 03:36
Thursday, 12 June 2014 02:35
Saturday, 15 February 2014 10:09