BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Jeneraal Ka Mida Saraakiishii Siilaanyo Darajada Ku Taxay Oo Xil Looga Magacaabay Puntland Iyo Saraakiil Kale Oo Ka Goostay Ciidanka Laascaanood Oo....WARBXIN

sargaal30/01/2014 (BNN) Xubnaha golaha wasiirada ee uu Madaxweynaha maamulka Puntland ee Somaliya  Dr Cabdi Wali Gaas Salaasadii ku dhawaaqay ayaa waxa ku jira dhawr xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Khaatumostate.Labadii Madaxweyne ee Khaatumostate Bindhe Iyo Karaash ayaa loo magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Kan Kaluumaysiga.

Sidoo kale saraakiil sare oo ka tirsanaa Ciidanka Somaliland ayaa u goostay dhinaca Puntland oo uu ka mid ahaa Jeneral Cabdicasiis Maxamed Aadan oo Somaliland ku sheegay Maamul Beeleed ku kooban hal beel,Jeneral Cabdicasiis ayaa Dawlada Puntland u magacowday Wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntland.


Sargaalkani ka goostay Somaliland ayaa la sheegayaa in ay horey usii raaceen saraakiil kale oo 7nin ah oo iyaguna ka baxsaday ciidamo dul degan magaalada laascaanood.

Sargaalkale  horkacayay saraakiisha hore uga tirsanaa kuwa Somaliland ee  goostay xaga Laascaanood oo lagu magacaabo Cabdi Dheere ayaa sheegay in ay beeshoodu ka heshay cadaalad Maamulka Puntland isla markaana ay dhulkooga ka xorayn doonaan wax uu ugu yeedhay gooni goosatada beesha SNM.
Puntland ayaa doorkani xilal muhiim ah oo beelaha Khaatumostate ku haysanin Somaliland ku taxday,Shacabka Deegaanadaasina waxa ay ka dareen celinayaan isbadalka Puntland iskastooy taageeradooda iskugu geeyeen Maamulka Khaatumostate of Somalia.

Cabdoo Xaaji
Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews Office

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 09 November 2013 06:02
Saturday, 08 February 2014 16:30
Monday, 25 November 2013 12:16
Sunday, 20 July 2014 20:56
Saturday, 14 December 2013 05:27
Tuesday, 01 July 2014 16:06
Monday, 16 June 2014 01:24
Friday, 03 January 2014 15:41
Monday, 28 April 2014 18:03
Wednesday, 18 December 2013 05:31