BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HARGEYSA: Fadhigii Saaka Golaha Wakiilada Somaliland Ee Codka Loogu Qaadayay Gudoomiye Cirro Oo Guurtidu Baajisay iyo Mooshin Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhan Ah Oo La Saxiixay iyo Xildhibaano Cirro Ka Qaaday Xilkii ..

golaha_wakiilada_sl08-02-2014 Hargeysa (Bnn) Fadhiga golaha oo maanta laga filayey mooshino Xasaasi ah ayaa markii uu Gudoomiye ciro furay  waxa uu xildhibaanada golaha ku wargaliyey ergo golaha guurtida ah oo uu hogaminayey Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golalaha Guurtida  in ay codsadeen in fadhiga dartood loo baajiyo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad oo Mikirifoonka la siiyey ayaa mudaneyaasha u soo jeediyey inay aqbalaan sidaasi ayaanu gudoomiye  cirro ku xidhay fadhigii golaha.

Dhacdooyinkan saaka ka muuqday madasha ayaa waxa ka mid ahaa labadii gudoomiye kuxigeen oo soo dhex fadhiistay madasha golaha halka ay ka ahayd inay soo fadhiistaan Gudoomiye Ciro hoostiisa, dhinaca kale warar dhex yaalay mudanayaasha ayaa laga dareemayey mooshin madaxweyne siilaanyo ku wajahan oo ay saxeexeen dhawr iyo sodon mudane kaas oo la soo dhigay golaha.

Dhinaca kale gudoomiye ciro ayaa soo saaray War saxaafadeed uu  shan xildhibaan oo ka tirsan gudiga joogtada ah kaga qaaday xilkii kuwaas oo loo tuhun san yahay inay xalay soo saxeexeen mooshin Cabdirxamaan Ciro Awoodiisa lagu dhimayo

Boramanews Disk

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 22 August 2013 11:46
Sunday, 11 August 2013 19:09
Tuesday, 14 January 2014 10:43
Wednesday, 30 July 2014 11:16
Tuesday, 13 May 2014 11:38
Sunday, 13 April 2014 11:28
Saturday, 22 March 2014 10:01
Friday, 25 April 2014 13:03
Tuesday, 03 September 2013 09:32
Thursday, 23 October 2014 08:50