BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

MUQDISHO: Al-shabaab oo Xalay Weertay Fadhiisimo Ciidanka Dawlada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM Leeyihiin Qeybo ka Tirsan Muqdisho +DHAGAYSO

dagaal_hxurwaa08-02-2014 Muqdisho (Bnn) Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay Xaafada SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo iska hor imaadka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadka oo socday muddo ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin nawaaxiga Isgoyska SOS.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya in xalay dadka ku nool xaafado ka tirsan Huriwaa ay ku soo hurdada kaga salaleen hugunka madaafiicda iyo rasaasta la is weydaarsanayay, kaasoo cabsi iyo khal khal ku abuuray.

Ilaa iyo hada lama soo sheegin khasaare soo gaadhay dadka rayidka ah, iyadoo habeenadii la soo dhaafay Xoogag ka tirsan Al-Shabaab weeraro ku qaadayeen fadhiisimaha ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Dagaalkii xalay ka dhacay degmada Huriwaa ayaa ku soo beegmaya, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay howl galo ay ka socdeen xaafadaha degmadaas, kaasoo lagu sugayay ammaanka aaska Allaha u naxariistee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda iyo mas'uuliyiin..

DHAGAYSO:

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 14 February 2014 09:29
Monday, 21 July 2014 13:35
Friday, 11 October 2013 18:19
Sunday, 19 January 2014 12:40
Wednesday, 21 August 2013 15:18
Sunday, 18 August 2013 04:39
Saturday, 10 May 2014 20:48
Thursday, 12 September 2013 13:11
Saturday, 17 August 2013 13:44
Wednesday, 14 May 2014 15:39