BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

WASHINGTON:Dawlada Dalka Maraykanka Oo Daboolka Ka Qaaday In Ay Kor U Qaadayso Weerarada Iyo Dagaalka Kula Jirto Kooxda Alshabaab

pentagon08-02-2014 (BNN) Dawlada Dalka Maraykanka ayaa si ballaaran u kordhisay howlgallada milateri ee Geeska Afrika, si ay uga hor tagto dhibaatooyinka kooxaha xagjirka ah.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli sanadkii hore weerar lagu qaaday xarun laga dukaamaysto oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, weerarkaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa saldhig milateri oo  weyn waxa uu ku leeyahay dalka Jabuuti, halkaas oo lagu tababaro ciidamo gaar ah oo la dagaallama Al-Shabaab.
Bishii hore ayuu sirdoonka Mareykanku ka digay weerarro argagixiso oo ay Al-Shabaab ka gaysato Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Sirdoonka Marekanka ayaa soo jeediyay in la adkeeyo ammaanka dalalka gobolka, si looga hortago khatarta kooxaha argagixisada ah ee xiriirka dhow la leh Al-Qaacidda.

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews/Facebook

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 06 January 2014 14:34
Saturday, 12 July 2014 13:34
Saturday, 01 March 2014 23:04
Friday, 23 May 2014 15:23
Sunday, 17 November 2013 09:40
Friday, 17 January 2014 22:41
Tuesday, 25 March 2014 16:24
Thursday, 09 January 2014 14:01
Wednesday, 13 August 2014 13:20
Wednesday, 23 July 2014 18:33