bnn "

Djibouti: Dad Ka Badan Labo Boqol Oo Kun Oo U Dhashay Jabuuti Oo Codkooga Dhiibanaya Doorashada Barlamanka Dalka Jabuuti

Ismailgelcodayn
22-02-2013 (BNN) Dalka Djibouti maanta waxay dadku u dareeray doorasho ay ku soo xulanayaan xubanaha Baarlamanka Djibouti shacabka u matalaya muddada shanta sanadood ee soo socota.
 
 Ugu yaraan 200 kun oo qof oo reer Djibouti ah oo u diwaangashay doorashada 65ka xubnood ee Baarlamanka Djibouti ayaa ka codeynaya ilaa iyo 500 oo goobood oo 232 ka mid ahna ay ku yaalaan magaalada Djibouti.
 
 Doorashadan ayaa markii ugu horreysay muddo 10 sano ah waxaa ka qeybqaadanaya axzaabta mucaaradka.
 
 Madaxweynaha Djibouti Ismacil Cumar Geele ayaa ku tilmaamay Xisbiyada mucaaradka ee doorashada ka qeybgalaya kuwa qaswadayaal ah oo qatarna ku ah xasiloonida Djibouti, balse eedahaasi waxaa iska fogeeyey xubnaha mucaaradka.Natiijada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo caawa saacadaha dambe.Isha ku hay Boramanews oo kuu soo gudbin doonta kolba wixii ka soo kordha doorashadaasi.Ka Mid Noqo Facebook BNN

mucaaradka_jibouti_daf
Joomla