BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

HARGEYSA: Mooshin Xukuumadu Dabada kariixaysey Oo Gudoomiye Cirro Kadhan Ah maanta la soo Hordhigay Golaha Wakiilada iyo Xeeladii Cirro Ee..

shirgudoonka_3309-02-2014 Hargeysa (Bnn) Mooshinadii labadii maalmood ee u danbeeyey laysla dhexmarayey ee ay xukuumada siilaanyo dabada ka riixaysay ayaa saaka qaar kamida xildhibaanada Golaha Wakiilada  somalind soo hordhigeen Golaha wakiilada, aan u suuragalin sidii ay doonayeen, kadib markii Gudoomiyaha Golaha Wakiilanda Somalilad  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu sheegay in loo gudbiyo lataliyaha Arimaha sharciga ee golaha wakiilada, si uu u soo eego inuu Sharciga Golaha waafaqsan yahay iyo inkale, kadibna loosoo gudbin doona, Gudida Joogtada ah.

Labadan  Mooshin oo kala ahaa, mid lagu doonayey in wax kabadal lagu sameeyo  xeerhoosaadka golhaasi oo u Jeedadiisu ahayd in tirada codadka ee lagu ridi karo Gudoomiyaha Golaha wakiilada laga dhigo 42-xildhibaan halka markii hore ay ahayd tirada laguridi karaa 55-xildhibaan. Iyo mooshin kale oo isna lagu damacsanaa in lakordhiyo mudada kalfadhiga caadigaa ee Golaha Wakiilada oo imika fasax galayey.

waxaa kale oo Gudida joogtada ahi soo gudbiyeen mooshin sadexaad oo odhanayey in aan mooshinadaasi ansax aanay noqonayn maadaama aaney gudida Joogtada ahi soo shir gudoomin.

Go’aankan uu Gudoomiyaha Golaha wakiiladu uu ku dhawaaqay ayaa ah mid waji gabax ku noqday xildhibaanadii  mooshinkan watey, oo habeenadii ugu danbeysay Shirar gooni gooni  ah ku galayey Guriga madaxweyne ku xigeenka Soamliland, waxaana ay si aada uga biyo diideen talaabada uu Gudoomiyahu ku dhaqaaqay iyaga oo go’aan kugaadhay in aaney ka’ka cayn Golaha dhexdiisaa, ayna doonayaaan in uu Gudoomiyahu uu Golaha soo fadhiisto si ay cod ugu qaadaan labadan mooshin.

Waxaana maanta jawiga golahasi ahaa mid aad cakiran iyada oo ay noqonayso markii ugu horeysay ee ay  arintan noqoto mid golaha buuq iyo sawaxan farabadan ka dhalisey, Waxaana  ay ahayd arin daba socotay markii dhawaan wax kabadal lagu.

Boramanews Disk

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Mooshin-Xukuumadu-Dabada-kariixaysey-Oo-Gu-Cirro-Kadhan-Ah-maanta-la-soo-hordhigay-Golaha-Wakiilada-iyo-Xeeladii-Cirro-Niyad-Jabka-xildhibaanadii-watey.html#sthash.eAZJ4mCT.dpuf

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 01 August 2013 20:14
Sunday, 11 August 2013 21:34
Monday, 30 September 2013 18:01
Friday, 25 July 2014 13:11
Tuesday, 10 December 2013 05:28
Friday, 18 July 2014 17:50
Tuesday, 13 May 2014 10:54
Saturday, 31 August 2013 11:19
Saturday, 07 June 2014 14:32
Saturday, 01 March 2014 13:32