BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DJIBOUTI:Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Raysalwasaare Ku Xigeenka Ahan Wasiirka Arimaha Dibada Kuwait Oo Booqasho Ku Yimiday Jabuuti Iyo Mashaariic Malaayiin Dolar Ah Oo Jabuuti Loogu Yaboohay

djibotikuwait09-02-2014 (BNN) Raysalwasaare ku xigeenka Ahna wasiirka arimaha dibada dalka Kuwait  Sheik Sabah Al Khaled Alhamad Alsabah ayaa Maanta booqasho ku yimiday dalka Jabuuti.Booqashani Amiirka ayaa ah mid rasmiya oo la xidhiidha iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal iyo guud ahaan wadamada barwaao sooranka Khaliijka.Waxaana socdaalkiisa ku wehelinaya xoghayaha guud ee ururwaynaha wadamada khaliijku ku bahoobeen (GCC) Abdullatif Al-Zayani.

Waftigani culus ayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismail Geele iyo golihiisa xukuumada wadahadal la yeelan doona,waxaana la faaqidi doonaa sidii loo maalgalin lahaa 200 Milyan oo dolar oo wadamada Khaliijku ugu deeqeen Dalka Jabuuti 5sano ee soosocota.Lacagtani oo wadamada GCC ee kahliijku ugu yabooheen Jabuuti shirkii kuwait ee Disambar 2013kii.

Sidoo kalena wadahadalka waxaa ku jira sidii dawlada Jabuuti loogu dheerayn lahaa lacag amaaha oo waqti loo qabtay oo gaadhaysa 15milyan oo Dirhamka Kuwait ah taasi oo dawlada Jabuuti ku dhistay jid aad u dheer u isku xidha Jabuuti iyo dalka Itoobiya oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka Jabuuti.Jidkaasi oo loogu magacdaray Amirka Kuwait.

Dawlada Madaxweyne Geele ayaa saaxiib dhow la ah wadamada Kahliijka ee qaniga ah ,waxa ayna ka gargaaraan dhismayaasha wadooyinka iyo mashaariic badan oo dalka lagu horumarinayo.

Ibraahim Cali Rooble

Jabuuti/Boramanews

 

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Saturday, 07 September 2013 05:02
Thursday, 20 February 2014 23:44
Wednesday, 21 August 2013 17:30
Monday, 17 February 2014 00:51
Sunday, 05 January 2014 02:00
Monday, 17 February 2014 12:04
Friday, 28 February 2014 22:35
Monday, 27 January 2014 07:09
Sunday, 04 August 2013 10:01
Friday, 06 December 2013 16:18