BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

WAR DEGDEGA:Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo La Sheegay Lacagtii Qaadhaanka Ahayd Ee Loogu Talagalay Dhismaha Jidka Ceerigaabo U Isticmaalay Kala Iibsiga Xildhibaanada Iyo Mooshinka Ka Dhanka Ah Gudoomiye Ciro

xirsi_gw09-02-2014 (BNN) Qaar Ka Tirsan xildhibaanada Golaha wakiilada oo ka hadlay is hirdinka ka dhex bilaabmay xildhibaanada oo qaar taageersan yihiin Mooshinka Wasiir Xirsi wato ee uu rabo xilka in uu kaga qaado Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxman Ciro ayaa sheegay in lacag Fooqal caqli ah loo isticmaalay sidii loo kala laaluushi lahaa xildhibaanada,isla markaana Wasiir Xirsi qorsheeyay in golaha wakiilada loo Dhiibo Xildhibaan uu isagu qorshaystay.

Xildhibaanadani oo magacyadooda lagu sheegay Siciid Cali Iyo Faarax Xaaji ayaa ku doodaya in Wasiir Xirsi uu lacagtii shacabka kaga soo ururiyay dhismaha Jidka Ceerigaabo uu isticmaalay kala laaluushida iyo iska horkeenka golaha wakiilada,Shacabkana waxa ay ugu baaqeen in ay ka warhayaan lacagtaasi halka ay gashay oo ay la xisaabtamaan.Sidoo kale Xildhibaanadani ayaa ku dooday in qabyaaladu cirka marayso isla markaana arimaha ka socda golaha wakiiladu ay sii kala kaxayn doonto shacabka reer Burco oo hore u kala fadhiyay labo qaybood.

Wasiirka Madaxtooyada oo la aaminsan yahay inuu maroorsaday xukunkii dalka ayaa wada arimo ka baxsan xeerka iyo nidaamka kala dambynta ka dhaliyay Somaliland,isla markaana waxa uu isku haystaa in ninkii uu doonana eryi karo ninkii uu doonana uu ka dhigankaro qof hoos jooga oo ka amar qaata.

Shacabka ayaa baafinaya Madaxwaynihii ay soo doorteen,oo noqday mid taladii iyo kalsoonidii shacabka Somaliland u doorteen gabay isla markaana taladu farahiisa kabaxday oo qayskiisu dhigayaan dhacdooyin taariikhda Somaliland bayj cusub ku qormaya.

 

Cabdiraxman X,Xuseen (SUUL)

Boramanews/Hargeysa

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 25 March 2014 10:49
Thursday, 05 December 2013 04:56
Wednesday, 28 August 2013 11:01
Monday, 23 December 2013 06:44
Wednesday, 09 October 2013 23:55
Friday, 04 October 2013 04:25
Thursday, 26 December 2013 16:20
Saturday, 03 August 2013 09:11
Friday, 31 January 2014 22:37
Wednesday, 02 October 2013 05:43