BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

MUQDISHO:Dawlada Japan Oo Qalabka Xafiisyada Iyo Qalab Muhiim U Ah Booliiska Soo Gaadhsiisay Dawlada Somaliya DAAWO SAWIRO

qlb709-02-2014 (BNN) Wafdi ka socda dowladda Japan oo Muqdisho soo gaadhay ayaa maanta qalab xafiiseed ku wareejiyay taliska ciidanka booliska
Wefdigan uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa waxaa hogaaminaayay safiirka Dowladda Japan u fadhiya Soomaaliya Tasushi Taradi, iyadoo wafdigaasi uu kamid ahaa ku-xigeenka Wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Yunazawi Atsushi, saraakiil kale oo ka socotay Dowladaha Taageerada siiya Soomaaliya oo ay kamid yihiin Midowga Afrika iyo Dowladda Turkiga.
Ugu horeyn Taliyaha Ciidanka Booliska iyo wefdiga waxaa ay salaan sharaf ka qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, intaas kadib waxa uu Taliyaha iyo safiirka ay kormeereen qalab xafiiseed Dowladda Japan ay siisay Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyada oo  Taliyaha uu wefdiga  ay  ku soo wareegeen qeybaha ay ka kooban tahay xarunta ciidanka Booliska Soomaaliya oo dhowaan dib u dayactir balaaran lagu sameeyay, iyadoo markii dambe ay wafdiga iyo Taliyuhu kulan gaar ah ku qaateen xafiiskiisa.
Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid, Safiirka Japan Tasushi Taradi iyo ku-xigeenka Wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midooday u qaabilsan Soomaaliya Yunazawa Atsushi.
Safiirka Dowlada Japan u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Japan ay siiwadi doonto taageerada ay siinayso Soomaaliya, isagoo xusay in qalabkaan ay Taliska ku wareejiyeen uu yahay qalab xafiiseed.
Sidoo kale ku-xigeenka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Mr Yunazawa oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay shaqo wanaagsan oo dhanka ammaanka ah ay qabteen, islamarkaana Qaramada Midoobay ay gacan weyn ka qaadan doonto xoojinta Nabadda Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal C/xakiim Daahir Saciid ayaa u mahad celiyay Dowladda Japan taageerada ay siinayso ciidanka Booliska Soomaaliya, isaga oo tilmaamay ahmiyadda qalab xafiiseedkan uu u leeyahay qalabeynta xarumaha ciidanka Booliska Soomaaliya.
Qalab xafiiseedkan oo 5 Konteenar ah ayaa waxaa uu wax weyn ka bedeli doonaa qalabayenta xafiisyada iyo xarumaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyada oo Dowlada Japan ay kamid tahay Dowladaha taageerada siisa Soomaaliya.
DHAMAAD

qlb7

qlb1qlb3qlb5qlb4qlb6qlb7qlb1

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Monday, 26 May 2014 14:30
Saturday, 03 May 2014 17:27
Sunday, 08 September 2013 02:38
Sunday, 25 May 2014 20:34
Saturday, 14 September 2013 05:47
Saturday, 28 June 2014 06:26
Saturday, 17 August 2013 02:02
Wednesday, 23 July 2014 13:22
Tuesday, 03 December 2013 22:15
Tuesday, 03 June 2014 13:48