BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

DAAWO SAWIRRADA:Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Burundi Oo Soo Gaadhay Maanta Muqdisho iyo Madaxwaynaha SomaliaIyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Qaabilay +SAWIRRO

bru4MMS

09-02-2014 Muqdisho (Bnn) Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Brundi  H.E. Laurent Kavakure, oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka AMISOM Lieutenant General Silas Ntigurirwa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abdirahman Duale Baileh, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Burci Hamza iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Brundi Abshir Hassan Abshir. Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan u mahadcelineynaa wallaaha Brundi oo dhiigooda noo huray si uu dalku amni u noqdo.

Sanadkii 2007 illaa iyo hadda ayey ciidamada Brundi, kuwa kale ee AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu ay si joogta ah ula dagaalamayeen kooxaha Al-Shabaab, oo ay noo sameynayeen fursadahan hadda jira ee aan dalka dib ugu dhiseyno oo shacabku ay istaahilaan, mana hilmaami doono doorkii iyo abaalkii Brundi.”

Madaxweynaha iyo Wasiirka Brundi ayaa waxey ka wada hadleen arrimaha amniga, tiro kordhinta ciidamada AMISOM oo horey Golaha Ammaanka ee QM ay u ansixiyeen iyo sidii ciidanka Soomaalida loo taageeri lahaa.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sanadkan 2014 waa mid muhiimad gaar ah noo leh. Waxaan xoojineynaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xasilinta dalka oo dhan. Brundi, AMISOM ta kale iyo ciidanka Soomaalida ayaana kaalin mug leh ka qaadan doona dadaalada xasilinta dalka.

bru_M1bru_M1bru_M1bru_M1bru_M1

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Tuesday, 22 April 2014 08:10
Friday, 20 December 2013 22:10
Monday, 09 December 2013 13:35
Thursday, 17 July 2014 12:29
Wednesday, 30 July 2014 11:29
Thursday, 29 August 2013 18:02
Wednesday, 05 March 2014 14:26
Friday, 20 June 2014 21:42
Saturday, 23 August 2014 17:09
Monday, 10 February 2014 10:46