bnn

Dabka Ina Geelle Zaylac Ka Shidayaa armuu Jibouti gaadhaa By Ibrahim Talaabo

djiboutigeeleXukuumadda Kulmiye waxa loo doortay inay qaadaan xilka dadka iyo dalka Somaliland,

Kana difaacaan cid kasta oo ku xad gudubta dhulka somaliland iyo shacabkaba.

Ka dib markii guuldaradii doorashadu ka dhacday dalka kuma koobnayn Zaylac oo

keli ah, dhamaan wadanka oo dhan waxa ka dhacay fashil iyo guul darro uu masuul

ka ahaa Kulmiye iyo xukuumadiisu, kulmiye oo sababay in doorashadii degaanka ee

dalka ka qabsoontay lagu tilmaami karo fawda aan xad lahayn oo kulmiye sababay.

Arrinta Zaylac maxaa gaar ka dhigay???????????????????????????????????

Zaylac iyo xeebaha galbeed ee somaliland waa riyo muddo dheer ka soo jirtay dhinaca

jibouti oo ahayd ina ku fidiyaan maamulka jibouti dhulka somaliland, cid walibana way

la socotaa isku daygii Xasan Guuleed iyo Ismaaciil ee waqtigii Dawladii somaliadii haligantay.

Waxa kale oo lala socday sagaashamadii bilawgiisii in Calanka Jibouti laga taagay Xariirad

iyo meelo kale oo dhulka somaliland ka mid ah.

Laba kaclaynta Ina Geelle waxa maanta sabab u ah, maamulka Kulmiye oo ah xukuumad

itaal daran oo aan wax go'aan qaadasho ah lahayn waayo hore ayay oga dhacday in

gudaha somaliland lagu qabtay shirkii Taleex oo xukuumadda lafteedu lug ku lahayd

arrintan Zaylacna waxa maanta dabada ka riixaya xukuumadda oo aan marka horeba

mawqif cad ka qaadan oo iyadu wiiqday dimuqraadiyadii soo jireenka ahayd kana

Ibrahim Ducale Saleban (TALAABO)

Joomla