Cisbitaalka The Wesley Hospital Ee Australia Oo Xalay Ku Dhawaaqay Inuu Guulaystay Qaliinkii Ayaan Cismaan Oo Dhaawac Ba,ani Ka Soo Gaadhay Wajiga Xiliyadii Dagaalka Sokeeye

wajirasasCisbitaalka The Wesley Hospital ee wadanka Australia, ayaa xalay ku dhawaaqay inuu guulaystay qaliinkii lagu sameeyay Ayaan Cismaan Maxamed, oo ah muwaadinad reer Somaliland oo ay cisbitaalkaas iyo marwo Edna Aden iska kaashadeen sidii loogu heli lahaa qaliin casri ah.
Warsaxaafadeed uu cisbitaalku xalay soo saaray waxay ku sheegeen inuu qaliinka Ayaan lagaga sameeyay wejigu qaatay wakhti ku siman 12 saacadood (7:30 subaxnimo ilaa 6:30 fiidnimo ee xalay.), waxaanay sheegeen inay hawsha qaliinka Ayaan ku hawlanaayeen 20 dhakhtar oo isugu jira suuxiyayaal, kuwa qaliinka sameeya iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo dhammaantood wakhtigooda u huray sidii ay Ayaan ugu guulaysan lahayd qaliinkaas. Dhakhtaarta waxa horkacayay Dr. John Arvier oo ku takhsusay qaliinada wejiga iyo Dr. David Chin oo dib u kabista xubnaha ku takhasusay, waxaanay cadeeyeen in qaliinku guulaystay.  “Qaliinkii si wanaagsan ayuu u dhacay, waxaanan u mahadcelinaynaa taageerada dad badan iyo farriimaha taageerada ah ee aanu ka helaynay dad tiro badan oo jooga Australia iyo Somaliland, oo Ayaan u soo duceeyay.” Sidaas waxa yidhi Dr. Arvier iyo Dr. Chin, oo ah labada dhakhtar ee hawsha ugu culus ee qaliinka fuliyay.
Cisbitaalku, wuxuu sheegay inay rajaynayaan in Ayaan ay cisbitaalka ku sii jiri doonto ilaa toddobaad, si loola socdo xaaladeeda, iyadoo wakhtigaas ka dibna cisbitaalka mar mar soo booqan doonta si loo hubiyo xaaladeeda.
Ayaan Cismaan, waa muwaadinad u dhalatay wadanka Somaliland, waxaana ku qaraxday miino, wakhtigii dalka dib loogu soo noqday, waxaanu dhaawac culusi soo gaadhay wejigooda oo qayb ka mid ahi ay daloosho. Ayaan xaaladeeda dalka iyo qaaradda Afrikaba waxba waa lagaga qaban kari waayay, waxaanay marwo Edna Aden aakhirkii ku guulaysatay inay qaliin bilaash oo casri ah uga hesho cisbitaalkan.

GEESKA

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 09 May 2014 12:58
Tuesday, 03 June 2014 22:30
Tuesday, 14 January 2014 16:05
Sunday, 20 April 2014 16:04
Sunday, 29 June 2014 04:23
Wednesday, 11 June 2014 06:39
Sunday, 26 January 2014 21:23
Wednesday, 23 July 2014 01:52
Tuesday, 20 May 2014 17:39
Thursday, 24 October 2013 10:44