Dawlada Milaterigu Taageeraan Ee Dalka Masar Oo Magacowday Raysalwasaare Cusub Oo Ka Mid Ah Saxiibada Kaligii Taliyihii Xukunka Laga Tuuray Ee Xusni Mubarak Iyo Balanqaad Uu Sameeyay

pm_egypt26-02-2014 (BNN) Dawlada ay milaterigu taageeraan ee dalka Masar ayaa maanta Raysalwasaare Cusub loo Magacaabay wasiirkii hore ee guryaynta ee dawlada imika talada ka degtay Eng Ibrahim Mahlab.Raysalwasaaraha Cusub ayaa hore uga tirsanaan jiray xisbigii kaligii taliyihii xukunka laga tuuray ee Xusni mubarak.Isla markaana waxaa uu ka mid ahaa golaha fulinta ee xisbiga Mubarak ee PND.

Ibrahim Mahlab oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu dagaal adag ku qaadi doono Islaamiyiinta ka dagaalanta dalka Masar isla markaana uu amniga iyo dhaqaalaha wax ka qaban doono.Mahlab ayaa sheegay in uu 3cisho gudahoo kusoo dhisi doono dawlad hanankarta hogaanka dalka isla markaana waxaa la filayaa in aan dawladiisa uu kasoo dari doonin Wasiirka gaashaandhiga ee Masar Jeneral Cabdicasiis Sisi oo la sheegay in uu doorashada Madaxtinimada iskusoo taagi doono.Jeneral Sisi ayaa la aaminsan yahay in uu ku guulaysan doono hogaanka dalka marka ay doorashadu ka dhacdo dalkaasi bisha inagu soo aadan ee Abril.

Cabdoo Xaaji

Boramanews Office

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 17 January 2014 02:19
Sunday, 17 August 2014 11:01
Friday, 12 September 2014 14:45
Friday, 06 September 2013 12:16
Friday, 31 October 2014 10:09
Wednesday, 27 August 2014 12:15
Wednesday, 19 February 2014 19:58
Sunday, 29 September 2013 00:21
Monday, 29 September 2014 14:48
Tuesday, 30 September 2014 15:54