BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Shirwaynihii Awdalstate Ee Qabanqaabadiisu Socotay Oo Galabta Ka Furmay Paris Iyo Awdalstate Oo La Timiday Siyaasad Kulul (SAWIRO)

awf202-03-2014 (BNN) Shirwayne ka duwan kuwii hore ee Awdalstate Of Somaliya qabsan jirtay ayaa maanta ka furmay Magaalada Caasimada ah Ee Paris,Shirkani ayaa waxaa kasoo qaybgalay mutacalimiin tiro badan oo ay ka mid yihiin Macalimiin Jaamacadeed,Dhakhtaro,Siyaasiyiin Iyo Qareeno dhamaan dadkani u badani aqoonyahaniinta ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka doodi doonaan isla markaana jeexi doonaan siyaasad cusub oo Awdalstate lagu dardargalinayo,Qodoba imika nasoo gaadhayaa ee ajandaha shirka ayaa lagu sheegay in Awdalstate markii ugu horaysay qabsan doobto qareeno u dooda waxyaalaha ay bulshada caalamka hordhigayaan,sida baa la yidhi xasuuqii SNM ka gaysatay Dila Iyo Borama,Rabitaanka reer Awdal ee Somaliwayn iyo waxyaalo badan.


Masuuliyiinta Awdalstate ayaa sheegay in ay dardar galinayaan in ay bulshada caalamka ee taageerta Maamulka Somaliland ay horgeeyaan go,aanadooda ka dhanka ah  Somaliland iyagoo adeegsanaya Maamulada ay walaalaha yihiin ee Khaatumostate Iyo Puntland.


Siyaasiyiin ka hadlay qorshaha cusub ee awdalstate ayaa sheegay in ay dhaawac iyo dhibaatoba ku keeni doonto Maamulka Somaliland,shirka oo maanta furmay ayaa waxaa lagu wadaa madaxda Awdalstate in ay kulan la qaataan masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Faransiiska.Awdalstate ayaa dareensan in ay sidii hore ka muruq wayn tahay taageerayaalbadana ay kusoo biireen,Sidoo kalena waxa ay rajaynayaan in ay taageero ka heli doonaan wasiirka arimaha dibada

Somaliya  Dr Bayle kaasi oo ka caawin doona la kulanka bulshada caalamka.

Abiibakar Cali (Reen)
Paris/Boramanews

awf2

awf3

awf1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

awf4

awf6kawf5

awf4

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 13 December 2013 07:41
Tuesday, 22 October 2013 08:17
Monday, 27 January 2014 13:01
Tuesday, 12 November 2013 22:58
Sunday, 04 August 2013 09:11
Wednesday, 22 October 2014 13:07
Friday, 02 August 2013 04:58
Monday, 18 August 2014 06:45
Saturday, 02 November 2013 20:48
Tuesday, 15 July 2014 02:07