DAAWO: Madaxweynaha Puntland oo la Kulmay Wafdiyo ka Socday Safaaradda Britain iyo FAO +VIDEO

ee3_304-03-2014 Garowe (Bnn) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta ku qaabilay xarunta Madaxtooyadda wafdi sare oo ka socday safaaradda Britain ee Somalia.

Waxa horkcayay Mr. Grant Calder oo ay wehelinayeen Rebbeca Terzoon, Dave Mcfarland, Abdinasir Ogle iyo Michael Cox, waxana iskugu jireen la-taliyaal dhanka siyaasadda iyo saraakiil gaashaandhiga ah.

Kulanka waxa looga hadlay sidii Britain gacan uga siin lahayd Puntland xoojinta nabadgelyadda, kaalmooyinka bini’aadanimo, mashaariicda horumarineed, dimoqraadiyadda iyo sidii Britain u dedejin lahayd mashaariicda sanadkan la qorsheynayo in laga fuliyo Puntland.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahaceshay Britain dadaalka ay la garab taagantahay Puntland iyo weliba sida ay joogtadda uga qayb qaadato barnaamijyadda horumarineed.

Dhanka kale waxa uu caawa qaabilay Madaxweynaha Puntland wafdi ka socday hay’ adda FAO oo Puntland ka fulisa mashaariic la xiriirta xanaanada xoolaha, kaaluumeysiga iyo deegaanka.

Waxa hogaaminyay wafdiga madaxa FAO Somalia/Kenya Mr. Luca Alinovi, waxana ay warbixin ka siiyeen madaxweynaha mashaariicda ay fuliyeen kuwa ay wadaan iyo qorshayaasha soo socda.

FAO waxay balanqaaday sii wadida taageeradda ay Puntland siiso dhanka horumarinta xoolaha oo ugu wayn ilaha dhaqaalaha, kobcinta wacyigelinta kaluumeysiga iyo sidii gacan uga gaysan lahayd ilaalinta deegaanka

Xafiiska Wararka Boramanews
Boramanews@gmail.com
putwali_1putwali_1putwali_1putwali_1putwali_1putwali_1putwali_1putwali_1

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Thursday, 05 June 2014 04:09
Friday, 25 April 2014 19:34
Sunday, 05 January 2014 02:15
Monday, 20 January 2014 14:30
Thursday, 13 February 2014 11:32
Wednesday, 07 May 2014 11:01
Monday, 08 September 2014 10:22
Thursday, 18 September 2014 09:46
Thursday, 21 November 2013 17:52
Wednesday, 18 September 2013 17:05