BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Maxkamada Ciidamada Somaliland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Cawar Xareed Iyo Qarxiye Kuwo Kalena Xabsi Dheer Kadib Markii Lagu Helay In Ay Gaysteen Gawricii Seemaal Iyo Kalabaydhka

wardegadega06-03-2014 (BNN) Maxkamadda Cidamadda Somaliland ayaa  Dil ku xukuntay Cawir Xareed iyo Qarxiye kuwaas oo agu Eedeeyey in ay fuliyeen Dilalkii ka dhacay Seemaal iyo Kalabaydh, sidoo kale waxay min Tobana sano oo xadhig ah ku xukuntay laba ka mid ah kooxdii u xidhnayd Dilalkaasi.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka  Yuusuf Geerash ayaa guddoominayey Maxkamadda Ciidamadda waxaanu soo saaray manta in uu ku cadaaday Cawar Xareed iyo Qarxiye dadkii lagu laayey jidka kalabaydh iyo Dilla u dhaxeeya.
Maxkamaddu waxay Diiday difaacii kooxda iyadoo muddo soo waday dhagaysiga Dacwadan oo aad xaasaasi u ahayd, iyadoo dhagaysatay Markhaatiyo kala duwan oo lala xidhiidhinayey in ay goob joog ka ahaayeen dhacdooynkaasi.
Ehelada kooxda Xukunka lagu riday ayaa Wargeyska Waaheen u sheegay in Looyarada u doodayey Cawar Xareed, Qarxiye iyo labada nin ee kale ay abiil ka qaateen Xukunka lagu riday kooxda ay difaacayeen, waxaanay ku tilmaameen xukunkaasi in aanau tixgelin difaacoodii, iyagoo ku dooday in maxkamaddu aanay eedaysanayaashii kale ee falalkii ka dhacay Seemaalee ka soo jeeday dhinaca kale aanay amrin in la soo qabto.
Kooxda Xukunada kala duwan lagu riday ayay dacwadoodu socotay dhawr sano halka ay qaarkood ka xidhnaayeen illaa wakhtigii Madaxweyne Rayaale,qaraabada iyo dad badan oo reer Somaliland ah ayaa mudoba dalbanayay in cadaalada la horkeeno dhagarqabayashii dilka foosha xun gaystay

Cabdiraxman X.Xasan (Suul)
Hargeysa/Boramanews

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Wednesday, 14 August 2013 17:50
Sunday, 10 November 2013 04:53
Saturday, 18 January 2014 19:09
Saturday, 01 February 2014 17:37
Sunday, 16 February 2014 09:08
Sunday, 27 October 2013 11:41
Thursday, 28 November 2013 19:54
Wednesday, 07 August 2013 13:26
Tuesday, 10 September 2013 12:50
Friday, 29 November 2013 07:51