BAADH WARKII KU DHAAFAY KU QOR

Dawlada Dalka Niger Oo Liibiya Ku Wareejisay Wiil Uu Dhalay Kaligii Taliyihii Gaddaafi Oo Magangalyo Dalkeega Ku Joogay

gadaafisaad06-03-2014 (BNN) Dowladda Niger ayaa Libya u dhiibtay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee dalkaas Saacadi Qadaafi.

Saacadi ayaa la sheegayaa inuu haatan ku sugan yahay maagaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.

 

Waxaa loo haystaa dambi ah inuu rasaas ku riday dadka ka qeybqaadanayay dibedbaxyadii xukunka looga riday aabihii, Mucammar Qadaafi.

Sawirro la soo geliyay internet-ka ayaa muujinayay Saacadi oo laga xiirayo garka iyo timaha.

Boliiska caalamiga Interpol

Saacadi ayaa Libya ka cararay kaddib markii aabihi la dilay sanadkii 2011-ka.

Dowladda ayaa arrintan ku xaqiijisay warbixin gaaban oo ay soo saartay.

Niger ayaa dhowr jeer oo hore diidday dalab uga yimid Libya oo ahaa in loo dhiibo Saacadi Qadaafi.

Sanadkii 2012-ka, ayay boliiska caalamiga ee Interpol soo saareen dalab ahaa in la soo xiro Saacadi Qadafi oo loo soo dhiibo dowladda Libya.

Saif Al-Islam Qadaafi oo ah wiil kale oo uu dhalay Qadaafi, ayaa isaguna lagu hayaa magaalada buuralayda ee Zintan.


Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews Office

Boramanews@gmail.com

AKHRISO WARARKII KU DHAAFAY IYO WARARKA LA XIDHIIDHA WARKAN


Friday, 10 October 2014 16:05
Friday, 09 August 2013 05:03
Friday, 31 January 2014 00:22
Friday, 13 September 2013 15:16
Saturday, 28 June 2014 04:13
Thursday, 15 May 2014 14:50
Tuesday, 30 September 2014 15:54
Saturday, 31 August 2013 16:51
Friday, 16 May 2014 22:04
Wednesday, 07 May 2014 19:46