bnn

DAAWO SAWIRRADA : Halkan Ka Daawo Isbadalka Suuqii Weynaa Ee Bakaaraha Sida Uu Ahaan Jiray Bilo Ka Hor Iyo Sida Uu Hada Yahay +SAWIRRO

20-03-2013 Muqdisho (Bnn) Magaalada Muqdisho tan iyo markii isbadalka ku yimid soona iftiintay nabadii waa hore luntay ayaa waxaa isbadalay waxyaabo aad u badan iyadoona Magaalada aay noqotay mid hor maro badan ku tilaabsatay.

Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa uga Weyn Soomaaliya ayaa ka mid ah goobaha isbadalka badan uu ku yimid iyadoona Suuqa la hor mariyay lana dhisay qeybo badan oo kamid ah sidoo kale suuqa kusii fiday goobo badan oo markii hore xaafado ahaa.

Sawiradan aan soo bandhignay Waa Suuq Cusub oo lagu Iibiyo Bacadlaha sidoo kale waxaa ku yaala carwooyin waa weyn halkan bilo kahor sidan uma qurux badneen waana halkii lagu iibin jiray Badarka gaar ahaan Galeeda waxa uuna ku yaal Suuqaan Cusub agagaarka halka loo Yaqaan Sarta Sheekh Cali Dheere ama Suuqa Sairfka.

Goobta Suuqan hada ka furan yahay markii hore waxaa ku yaalay Makiinado badarka lagu shiido iyo sidoo kale Suuq isna lagu iibiyo xargaha iyo Caagadaha ,waxaa sidoo kale Haweenka ee ku iibin jireen Badarka nuucyadiisa kala duwan ee kasoo go’ Beeraha Dalkeena.

Sidoo kale Goobihii Bakhaarada badarka ahaa hada waxaa badalay Daaro Qurux badan oo laga furay Carwooyin waa weyn waxaana qofkii hada taga shakli ka galayaa Suuqan goobta uu ku yaalo iyo sidii uu ahaa bilo kahor



SIDA MAANTA UU YAHAY .

suuqq_6
SAWIRRADA HOOSE SIDA UU AHAA .

DF
D
D
D
S

Joomla